logo Warwad


AMMA JOOG DALKAADII, AMMA JUUQDA XERO !AQRISO MAQAAL XIISO BADAN BY ABWAAN BARROW

Soomaaliyeed Oo oraneyso (Gaajo guri og, gardaro garab Og, Labaduba gees geesis kaama haraan) , Adduunyadu waa meerto casharo iyo tusaale badan , qofkastaana uu maalin arko waxyaaba ku noqdo fajac iyo amakaak , filan waa maskax daahishana ku rida, inkastoo dhacdo walba oo aad hesho si dadban iyo si toosaba kuu tahay waayo -aragnimo kugu soo siyaaday,

haddana waxaa kaaga dhasha aragti wacan oo aad bari ku maareyn karto haddii aay kugu timaad amma laguugu yeeray waxii aad tagto hore jalbeebsatay. Taana waa mid qof walba uu ogyahay waxaadna ka eegan kartaa sheekooyinka iyo waayaha soo jireenka ah iyo wixii soo maray soomaalida,

Anigoo taas ka duulayo aan dib xooraansado sheeko hadda ka hor rag ab wadaag ahaa ku hishiiyeen, oo ah xeer Qofkii jabsho uu xil qabto, dhammaanna lagu wada qancay , qisadan ayaa waxey ka dhacday Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya , sida aan ku helay Sheekada iigana warameen dad joogay barigaa, waxey ku beegneyd bilowgii Qarnigii tagay, inkastoo aan si dhaba loo caddeeyn waxa uu ahaa xeerku haddana waxaa la sheegay inuu jabshay Nabadoon Caaqila oo haddana Dadka deegaanku ku yaqiineen Murti isugu jirtay Maah-maahyo diiwaanka gala ,

Shirib Markii uu mariyaba dadku Afka wada saaraan, sidoo kalena lagu yaqiin saqinimo aadna u gacan furnaa, waxa uu sidoo kale ahaa Nabadoon Labaatan jirnimadiisii la iska jecleystay , markii la argay Aragtidiisii dheereyd, iyo garaadkiisii xeesha dheeraa, afmaalnimadana uu rabbi ugu daray.

Ninkaasi wuxuu ahaa Allaha U raxmadee Nabadoon Raage Nuur-gaab , isaga oo xeerkii qabtay ka garawsaday wixii lagu balamayna laga cunay, si kastaba iyadoo wixii raage laga qaaday muuqdaan hayeeshee uu muujiyay nimaad iyo raganimo, ayaa waqti aan maalmahaasi ka fogeyn waxaa si lamid ah uu xeerka u qabtay Nin aan magaciisa helin balse sida idiin muuqan doonta ah Murtiyahan Soomaaliyeed, waxaana loosoo geed fariistay sidii Loo casaari lahaa, gar cad oo dhan ayaa shaarlka garwaaxsatay, Nin walbaahina waa uu hadlay , la isku taariikhey waayo-waayo la iskuna maah -maah, hayeeshee waxaa Ninkii Odayga ahaa Laga sugayay in sidii Nabadoon Raage Oo kale Uu Nacam, ku jawaabo maalintaasna Uu gartiisa kaga gacan celiyo sidii Ninkii hore.

Hayeeshee la filay , noqonse weyday ,, Oo maxaa dhacay?, waxa uu ninkii Odayga ahaa markii uu hadalka qaatay Sheeko biyadeed ah ka dib uu raaciyay Laba shirib oo illaa maanta si weyn loo maqlo oo qofkii Arin ka ganaasaco uu ku hal qabsado (Ridiisii intuu soofsadow, Miiddeyda Raamsaduu rabaa,
Sidii ratigi raage nuur, raaraac leygu ruugi maa).

Haddaba Akhriste waxaan Sheekooyinkaasi usoo tusaale qaatay , waxyaabo badan oo muujinaya in maanta Nolosheenu la kulanto, haddana ka gilgilashadeeda mararka qaar na dhaxalsiiso waxyaabo ka dhib badan waxaan markaasi diidannahay.

Bal ka sheekee adoo joogo meel gurigaada ah oo aad Af iyo adinba wixii shaqsi kale kaa galo aad ka dhacsan kartid haddii aad qof aan kaa awood iyo xeel badneyn is qabataan?…….hubanti in aadan ka seexan oo aad ka dhacsan laheyd wixii aad tabeyso.

Si kaduwan sidaasi waxaa ah Qurbaha gaar ahaan wadamada Ay ku noolyihiin dadka maqaarka madow, ee hadda lagu beerayo dhaqanka Dimuquraadiyadda oo aysan ab iyo isir ulaheyn , lagana raray , kii kalena aan la qabsan ee meel dhaxe ku lunsan, inkastoo wadamadu badanyihiin kalena waayo aragsanyihiin dadkiisa ,
haddana wadanka koonfur Afrika Oo Ay dadkiisa Madow Sanado 20sano ah ay xor yihiin, haddana haddii Aad tima jilcantahay, sandhuubantahay, sida Soomaalidana aad Iska liidantahay , oo aadan jiiraweyneyn , Waxaa Muhiim kuu ah in aad La timaad Sadex Shey Oo aad Naftaada Ku gabaadin karto waxeyna kala yihiin:-

1- SORRY (RAALI AHOW) 2- SAMIR IYO DULQAAD 3-SAADAAL(RAJO DHOWR)

Waa Midda Koowaade sax Iyo Qalad qofkii wadankan u dhashay Oo aad is afgaartaan , amma aad Murantaan si kasto oo aad uga itaal weyntahay Waa In aad tiraahdaa SORRY iga raali ahow, haddii kale waxaad filataa waa in Noloshaada halis galeyso ileen (Dhulku waa Mid dhalyo yaqaan).

* Tan labaad waa In aad noqotaa shaqsi dul iyo xumlo badan , waayo Waxaad ka tusaale qaadataa Murtidii Soonaaliyeed Oo oraneysay (NIN GURI DHALAA DAGAN DHAGAX TUUX MA BILAABO) haddii aadan Samrin , Waxaad la kulantaa waa dhib iyo dhiig kaa baxo.

* Tan sadexaadna waa Rajo aan gurin Oo had iyo jeer Naftaadu Ku jirto, oo aad leedahay barri ayuu noqu kuu da’i geedahuna kuu Caleensan doonaan, ka hor waa In Aad raadisaa geed diraacda ku dhacriyay , amma Aad xaabka jiilaal Nafta ku sasabtaa , ka tusaale raac Inta xamaalatada ah ee ku jira tuulooyinka, dhibkastoo soo gaarane aan laga raabin.

Haddaba waxaa kusoo xeri lahaa Su ‘aashan hadmey Soomaalida South Afrika Iyo tan caalamka ku dhiban Heli doonaan , Nolol aan Liid Ku dhisneyn….?

Fikradaada ka dhiibo n