logo Warwad


Wax Yaabaha Keena In Ninka Layska Furo..

Gabadhu waa inay eegtaa qodobadaan,  balse marka hore waa inay isku daydaa inay ninkeeda ka baabi’iso ama ka joojiso Wax yaabaha xun uu ku dhaqmaayo balse hadii ay aragto inuusan iska joojinayn oo aan rajo lahayn waa inay qaadataa Go’aan kama Danbeys ah ee aysan u fiirin waxkale noocay rabaan ha ahaadeene, Akhristow maahan inaad ka quusatid Lamaanahaaga balse markasta isku day inta aad qadan go’aanka.

Waa kuwan Qodobadii Oo Kooban:-

1.Bakhaylnimada ninka isagoo wax haysta.

2.Maqnaasho badan oo ay dani ku jirin.

3.Shakiga faraha badan.

4.Danbi badnaanta.

5.Dan ka gelida la;aanta rabeynta ubadkiisa.

6.Dabeecad xumada.

7.Ixtiraam la’aan.

8.Isticmaal la’aanta ereyo macaan iyo hadiyad la’aanta.

9.Carada faraha badan ee xaaska iyo ilmaha.

10.Doonitaanka in daqiiqad waxkasta lagu qabto.

11.Ku samir la’aanta hadey xanuunsantahay xaaskiisa.

12.Daawayn la’aanta xaaskiida marka ay timaado xaalad caafimaad la’aan.

13.Ka daahida gurigiisa si joogta ah.

14.Dareen xumada, uusan dareemi karin waxa gurigiisa ka jira.

15.Daawashada tv mar walba.

16.Samaysashada xiriiro kale ee dumar, oo aysan la socon xaaskiisa.

17.Ninka aan Xaaskiisa Gogosha ku qancin karin ama sheekada

18.U dulqaad la’aanta khaladka ay gabadhu gasho mar mar.

19.Damaaciga hantida gabadha.

20.Amaano la,aanta iyo khayaanaynta xaaskiisa.

21.Ka fakarid la’aanta mustaqbalka ilmihiiisa.

22.Dhalid la’aanta.

23.La tashada dad aan wanaagsayn iyo kuxirnaashahooda.

24.Ilaalin la’aanta xaaskiisa sida aflagaadada kaftan xun oo joogta ah.

25.Mukhaadaraadka sida sigaarka qaadka IWM.

Fikradaada ka dhiibo n