Jose Mourinho: Cristiano Ronaldo Waxa Uu U Shaqeeyaa Sida Xaywaankii Oo Kale.
From Abdulahi Warwad.com January 18, 2012 -- Updated 5:20 am
Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 17-01-12 4:04 PM

Weeraryahanka cadaadiska uu saaran yahay ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaan ku jirin waqti xaadirkaan xaalad fiican, lakiin tababarihiisa ayaa maanta tilmaamay inuu yahay nin u shaqeeya sida xaywaankii oo kale, ka hor kulanka la wada sugayo ee habeen danbe ay la ciyaarayaan Barcelona.
Ronaldo ayaa waxaa ku ooriyay qaar ka midst ah taageerayaasha kooxda Los Blancos, tan iyo markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed hooseeya kulankii El Clasico ee bishii hore.
Laacibkii hore ee Manchester United ayaa diiday inuu dabaaldego goolkii uu dhaliyay kulankii 5-1 ay kaga badiyeen Granada isagoo kaga jawaabayay qaar ka midst ah taageerayaasha Real oo ku ooriyay.
Shirka jiraa’id ee uu maanta qabtay Mourinho ayaa waxa uu ka hadlay qaab ciyaareedka Ronaldo oo uu tilmaamay in kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Mallorca inuu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican, inkastoo uusan gool ku darin 21ka gool ee uu ku hogaaminayo gooldhalinta La Liga.
“Waxa uu u shaqeeyay sida xaywaankii oo kale, waxaana uu sameeyay wixii ay kooxda uga baahneyd” ayuu yiri Mourinho.
“Uma baahna inuu gool dhaliyo ama uu noqdo xiddiga ciyaarta blotch kasta. Waan u sheegay cidna matriarch taaban karto ka dib sida uu u shaqeeyay qeybtii labaad ee ciyaarta”
“Marka ay kooxda badiso qof walba ayaa ka mas’uul ah, marka kooxda laga badiyo qof walba ayaa ka mas’uul ah iyadana. Sidaas ayay u sahlan tahay”
Mourinho ayaa ka badiyay Barcelona kaliya hal kulan sideed kulan oo uu ka horyimid tan iyo intii uu Real Madrid qabtay, waana kulankii finalka Copa del Rey oo kooxdiisa 1-0 ay kaga badisay Barcelona.
Markii ugu danbeysay ee ay labada kooxood isaga horyimaadaan koobka Spanish Cup oo labo projection ah waa 1996-97, tababaraha haatan ee Real Madrid Jose Mourinho ayaana markaas tababare ku xigeen ka ahaa Barcelona, kooxda reer Catalan ayaana markaas labada projection ku badisay 4-3.
Mourinho ayaa diiday inuu ka hadlo qaab ciyaareedka uu ku soo galayo arbacada, isagoo sheegay in polish walba oo uu go’aansaday inay dhaleeceyn doonaan muran la’aan saxaafada Spain.
Angel Di Maria, ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaawac cusub shalay soo gaaray, taasoo shaki gelineysa inuu ku soo laaban karo Real Madrid kulanka berri.
Sidoo kale Pepe ayaa isna shaki laga qabaa inuu ciyaari karo kulanka Santiago Bernabeu ka dib markii uu shalay ka fariistay tababarka kooxda.
Mourinho ayaase diiday inuu xaqiijiyo inay ciyaartoydaasi ciyaari doonaan iyo in kale.
“Horyaalka Spain ayaa muhiimadeenu ay tahay” ayuu yiri Mourinho. “Lakiin kulanka berri waa ciyaar weyn, waxaana dooneysaa inaad shaqada ugu fiican qabato oo aad isticmaasho ciyaartoydaada oo dhan hadii ay diyaar ku yihiin”
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=8159












