Falanqeynta Dalalka Ka Qeybgalaya Koobka Qaramada Afrika. (Group A)

From Abdulahi Warwad.com January 20, 2012 -- Updated 4:43 am

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Taariikh: 19-01-12 7:03 PM

Koobka qaramada Afrika ayaa maalinta Sabatida waxaa lagu wadaa in uu bilowdo 21bishan Janayo. Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalaya 16 dal iyadoo loo kala qeybiyey distant guruub. Qormadan ugu  horeysa ayaa waxaan ku soo qaadanaynaa Gruubka A wadamada ku jira oo kala ah Senegal, Libya, Zambia iyo Equatorial Guinea

SENEGAL

Wadanka Senegal ayaa hore tartankan waxa uu ka qeybgalay 11 jeer,Senegal ayaa markiisii ugu wanaagsanaa ee tartankan waxa uu ahaa sanadkii 2002, waxana uu wadankan uu kaga jiraa lambarka 44aad ee qiimeynta FIFA.

Tababaraha xulka Senegeal waa: Amara Traore , 46 jir ah waxana uu ka midst ahaa ciyaartoydii Senegal ee 2002dii finalka shy isla markaana koobkii adduunka lix bilood kadib ay gaareen quarter-final.

Xiddigaha xulka Senegal:

Moussa Sow (Lille) 25jir ka ciyaara weerarka.  

Laacibkan oo hore ugu ciyaaray xulka qaranka faransiiska ee da’adoodu ka yartahay 21jirka ayaa u soo wareegay dalka Senegal oo ay waalidkiis ka soo jeedaan.

Moussa waxa uu ahaa laacibkii ugu goolasha badnaa tartanka horyaalka Ligue 1 ee xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyey 25gool. waxana u u dhaliyey xulka dalkiisa goolal badan kulamadii isreebreebka qaramada Afrika.

Souleymane Diawara (Olympique Marseille). 33jir ka ciyaara daafaca.

Laacibkan ayaa waxaa uu hore ugaga ciyaari jirey dalka Ingiriiska gaar ahaan kooxda Charlton Athletic, waxana uu ugu fadhiyaa kooxda Marseille 7 million euros ($8.87 million) isagoo ku soo biirey 2009.

Muddo toban sano ah ayuu ka midst ahaa xulka Senegal isagoo saftay saddex koob oo qaramada Afrika, waxaana uu la qeybsaday kooxdiisa distant koob oo ay ku guuleysteen.

Demba Ba (Newcastle United). Age: 26  ka ciyaara dhinaca weerarka

Waxa uu kamid yahay laacibiin badan oo haysta dhalashada Faransiiska waxana uu ku soo bandhigey xilli ciyaareedkan horyaalka ingiriiska ciyaaro wanaagsan isagoo dhaliyey goolal badan. hase yeeshee ciyaartoyda ay ku soo bilaabanayso xulka Senegal ayaan la hubin inuu ka midst noqon doono inkastoo uu isreebreebkii uu gool ka dhaliyey Cameroon iyo sidoo kale kulan tijaabo ah oo ay isku arkeen xulka Sudan.

Ba waxa uu ka soo bilaabay ciyaaraha kooxda   Rouen ee dalka  France waxana uu ka soo dheelay dalka  Belgium iyo kooxda Hoffenheim ee Bundesliga.

Rajada Xulka Senegal: Xulka Senegal waxa uu haystaa laacibiin ka wanaagsan kana karti badan kuwii 2002dii waxana ay yihiin qaar badankood ka ciyaara horyaalka Faransiiska. Hase yeeshee dhaliishooda ayaa ah dhinaca goolhayaha oo goolhayahooda uusan lahayn waayoaragnimo weyn.

LIBYA

Xulka dalka Libya ayaa hore labo ridicule oo qura u soo saftay tartankan,waxana uu ahaa makiisii ugu wanaagsanaa sanadkii 1982. Xulka Libya ayaa waxa uu kaga jiraa heerka 63aad qiimeynta FIFA.

Tababaraha xulka Libya waxa uu u dhashay dalka Brazil Marcos Paqueta waxana uu ahaa muddo sagaal bilood ah mushaar la’aan markii ay socdeen dagaaladii sokeeye ee Libya. Paqueta ayaa tababare u ahaa xulka Saudi Arabia ciyaarihii adduunka sanadkii 2006, waxana uu guul u soo hooyay xulka dalkiisa ee ciyaartoyda da’adoodu ka yar tahay 20sano. Waxaana uu hore usoo tababara kooxo ka dhisan Brazil sida Flamengo iyo Fluminense.

Xiddigaha xulka Libya.

Ahmed Zuway (CA Bizerte) 29jir ah weerarkana ka ciyaara.

 

Waa laacib dheer oo gool dhaliye ah waxana uu ka midst yahay distant laacib oo ka qeybgalay tartankii qaramada Afrika ee 2006. Laacibkan ayaa asal ahaan ka soo jeeda Benghazi, waxana uu ku soo caan baxay kooxda Al Ittihad ee ka dhisan Tripoli, hase yeeshee waxa uu ugu dambayntii u wareegay dalka Tunisia tan iyo markii kacaanka uu ka bilowday dalka Libya.

Walid Al Khatroushi (Al Ittihad).26jir ah ka ciyaara qadka dhexe.

Laacibkan ayaa waxa uu ka maqnaa bilihii la soo dhaafay garoomada isagoo ka midst noqday dagaalyahanadii xukunka ka ridey Qaddafi.

Waxa uu hore u soo saftay xulka dalkiisa ciyaaraha qaramada Afrika waxana uu sidoo kale u soo saftay kooxda JS Kabylie ees Algeria.

Samir Aboud (Al Ittihad). oo 39jir ah goolhaye:

Waxaa dib loogu soo celiyey xulka dalkiisa isagoo 39jir ah si uu u safto wuxuuna noqdey halyey ka qeybqaatay sidii xulka Libya ugu soo gudbi lahaa tartankan. Goolhayahan ayaa dib ugu soo laabtay ciyaaraha kadib distant sano oo ay Qaramada Midoobay ka mamnuucday Libya ciyaaraha.

Wuxuu kula guuleystay sagaal koob  kooxda uu u dheelo ee ka dhisan magaalada Tripoli.

Rajada Xulka Libya.

Rajada xulka Libya ayaa ah midst aan badnayn iyadoo ay ku soo beegantay guruub adag. Hase yeeshee haddii ay badiso ciyaarta ugu horeysa ee ay la yeelanayso wadanka Equatorial Guinea waxa ay leedahay rajo ah in ay wareega labaad u soo gudubto.

 ZAMBIA

Xulka Zambia waa markii 14aad ee uu u soo gudbo kulamada kama dambaynta ee qaramada qaarada Afrika. Xilligii ay ug u fiicnaayeen ayaa ahaa sanadkii 1974 iyo 1994.

Dalka Zambia ayaa waxaa uu kaga jiraa derajada 79aad qiimeynta FIFA.

Tababaraha xulka Zambia waa Herve Renard oo dhalashadiisu tahay Faransiis,waxana ay tahay markii labaad ee iskuxigta ee uu leyliyo xulka Zambia. Waxana la magacaabay bishii October.  Tababare ka soo jeeda dalka Talyaaniga Dario Bonetti ayaa soo gaarsiiyey xulkan tartanka kama dambaysta ah hase yeeshee markii dambe waa laga eryey xulka.

Renard waxa uu soo leyliyey xulka Angola iyo sidoo kale kooxda  USM Alger ee Algeria. Tababarahan 43jirka ah ayaa hore ugu soo ciyaaray kooxda Cannes ee France.

Xiddigaha Zambia

Chris Katongo (Arminia Bielefeld). 29jir ah ka ciyaara qadka dhexe.

Kabtanka Zambia waxa uu u ciyaaraa shiinaha kadib markii uu ka soo tegey dalalka  South Africa, Denmark, Germany iyo Greece. Waa laacib orod badan oo garabkana ka ciyaara waxana uu labo xilli ciyaareed ka soo dheelay Bundesliga isagoo ka midst ahaa kooxda Arminia Bielefeld.

Collins Mbesuma (Lamontville Golden Arrows). 27jir ah ka ciyaara weerarka.

Laacibkan oo ah gooldhaliye xoogan, lix sano kahorna waxa uu ku guuleystey Mbesuma inuu ku biiro kooxda Portsmouth kadib markii uu hal xilli ciyaareed uu u dhaliyey soddon gool koox ka dhisan dalka Koonfur Afrika ee Kaizer Chiefs, hase yeeshee waxa uu polish badan ka samayn waayay England isagoo kadibna u wareegay wadamada Turkey iyo Portugal. Hadda waxa uu u dheelaa kooxda Durban ee South Africa.

Emmanuel Mayuka (Young Boys Berne)21jir ah, weerarkana ka dheela.

Waxa uu ahaa laacibkii ugu da’ada yaraa ee tartankii qaramada afrika ee 2008, kadibna waxa uu u wareegay kooxda Maccabi ee Tel Aviv  Israel. Kadibna waxaa laga iibiyey sanadkii 2010 Switzerland, halkaa oo uu goolal muhiim ah ka dhaliyey  Europa League isagoo u ciyaarayay naadiga  Young Boys.

  EQUATORIAL GUINEA

Xulka Equatorial Guinea waxaa markii ugu horeysey ee ay ka qeybgalaan iyagoo ku jira qiimenta FIFA ee 150aad.

Tababaraha EQ Guinea waa Brazil Gilson Paulo waxana uu la wareegay labo toddobaad uun ka hor xulkan kadib markii uu ka tegey  Henri Michel, oo ahaa tababare Faransiis ah kaasoo ku eedeeyey xukuumada Eq Guinea inay faragelin ku hayso howlihiisa. Waxana uu ahaa tababare hoose ka soo noqday kooxda Vasco da Gama isagoo ka noqday madaxa tababaraha  kooxda Olara, Bangu ee dalalka  Portuguesa iyo Brazil.

Xiddigaha  Xulkan.

Rodolfo Bodipo (Deportivo La Coruna).34jir ah kana ciyaara weerarka.

Waa laacibka ugu caansan ee u dheela xulkan isagoo ah kabtanka kooxda. Rodolfo ayaa ah iska dhal aabihii u dhashay Equatorial Guinea halka hooyadii ay tahay Spanish, waxana uu ku dhashay Seville. Waxa uu markii ugu horeysey u saftay xulka Equatorial Guinea bilowgii ciyaarihii loogu soo baxayay koobka adduunka ee 2006.

Javier Balbao (Beira Mar).26jir ka ciyaara qadka dhexe.

Laacibkan ayaa markii ugu horeysey ku biirey kooxda Real Madrid isagoo labaatan jir ah hase yeeshee Fabio Capello ayaa ayaa ku bixiyey amaah si uu waayoaragnimo u soo helo waxana uu xilli ciyaareed u saftay kooxda  Racing Santander kahor inta uusan dib ugu soo laaban  Real.

Inkastoo uu saftay dhowr ciyaar ookamid ah kulamada Champion League hadana waxa ay laacibka ku wareejisey Benfica sanadkii 2008 iyadoo laga bixiyey lacag dhan 4-million oo Yuuro.

Hase yeeshee markii dambe kooxda Benfica waxa ay ku wareejisey naadiga ka dhisan dalka Portuqal ee uu hadda u dheelo ee Beira Mar inkastoo distant kulan oo kaliya uu u ciyaaray.

Rajada Xulka Equatorial Guinea

Iyadoo xulkan uu ka midst yahay wadamada dalalkooda lagu qabanayo tartankan ayaa waxa ay rajo ka qabaan in maalgelintii ay ku sameeyeen labo garoon oo waaweyn iyo dhismayaal kale oo ay u dhiseen tartankan. Hase yeeshee xulka Equatorial Guinea ayaa lagu qiimeeyaa inuu yahay xulka ugu liita 16ka xul ee ka qeybgalaya tartankan. Waxana ciyaartoyda u safan ay yihiin kuwo labo qeyb u qeybsan, qeyb ah ciyaartoy iska dhal ah oo ah Spain iyo Eq Guinea iyo qaar kale oo ah ciyaartoy ka soo jeeda father shaqo u tegey dalkaasi sida wadamada Brazil, Colombia, Cameroon iyo Ivory Coast.

 

 

 

 

 

 

 

We recommend

Tababare Arsene Wenger Oo Sheegay In Qorshaha Uusan Ugu Jirin Inuu Ciyaartoy Cusub Soo Iibsado.
Video: Benfica Oo Ka Carootay “Ixtiraam La’aanta” Drogba, Sheegeyna Inay Garoonka Uga Jawaabi Doonan…
Quagliarella Oo Heshiis Cusub La saxiixday Kooxda Juventus

Short URL: http://warwad.com/?p=8270

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site