Ashley Cole Oo Magacaabay Kooxdiisa Riyada Ee Ciyaartoydii Uu La Soo Ciyaaray. Yaa Ku Jira?

From Abdulahi Warwad.com January 22, 2012 -- Updated 3:48 am

Ciyaaryahan Ashley Cole ayaa indha ka qabsaday Chelsea ka dib markii uu magacaabay line-upkiisa abid ugu fiican ee ciyaartoydii uu la soo ciyaaray.

Daafaca bidix ayaa ayaa mustaqbal ciyaareed oo hagaagsan la soo qaatay Arsenal, Chelsea iyo England, isagoo la soo ciyaaray qaar ka midst ah ciyaartoyda adduunka ugu fiican..

Lakiin Cole ayaa ka tagay dhowr  ciyaaryahan oo Blues ah markii la weydiiyay inuu magacaabo kooxdiisa riyada ee ciyaartoyda uu la soo ciyaaray oo ay weydiisay gaff.tv.

Xaqiiqdii ciyaaryahaka kaliya ee  line-upkiisa ku jira ee Chelsea u ciyaara waa Daniel Sturridge.

Cole ayaa isaga laftiisa isku daray kooxda uu magacaabay, lakiin John Terry, Frank Lampard, Didier Drogba iyo Petr Cech midkoodna kuma uusan soo darin.

Taas bedelkeeda Cole waxa uu line-upkiisii ugu fiicnaa ee ciyaartoyda uu la soo ciyaaray uu ka buuxiyay ciyaartoydii hore ee Arsenal.

David Seaman ayuu goolhaye ahaan u magacowday bedelkii Cech, halka Lauren uu ka dhigtay daafac midig. Qol uma banaaneyn kabtanka Blues John Terry daafaca dhexe isagoo Cole u magacowday Sol Campbell iyo Tony Adams, halka daafac bidix uu isaga isku magacaabay.

Cole, ayaa garab weeraray u magacaabay Robert Pires, halka Frank Lampard iyo Micheal Essien ay wadada u baneeyeen kabtankii hore Arsenal Patrick Viera iyo ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin Steven Gerrard. Sturridge ayuu garabka kale ee weerarka ah saaray, halka Dennis Bergkamp iyo Henry uu doortay dhinaca weerarka.

Isagoo sharaxayay go’aankiisa uu ku doortay Bergkamp iyo Henry halkii uu Dorgba ka magacaabi lahaa, Cole waxa uu u sheegay gaff.tv  ‘Waa adag tahay in laga tago Drogba, hadii uu arkana waxa ay u badan tahay inuu caroon doono”

Kooxda riyada Ashley Cole ee ciyaartoydii uu la soo ciyaaray:

TEAM (4-4-2): Seaman; Lauren, Adams, Campbell Cole; Sturridge, Vieira, Gerrard, Pires; Bergkamp, Henry.

Halkaan ka daawo:

We recommend

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.
Barnamijki Nasashada Iyo Maanta oo aad u xiiso badan ku dhageyso sports gos gos iyo qodobo kale
Lionel Messi Oo Noqday Ciyaaryahanka Ugu Goolasha Badan Taariikhda Kooxda Barcelona.

Short URL: http://warwad.com/?p=8425

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site