Bayern Munich Oo Ku Kaftantay Saxiix Ciyaaryahan Magac Weyn Leh Oo Ka Careysiiyay Jamaahiirteeda.
From Abdulahi Warwad.com January 27, 2012 -- Updated 5:57 am
Kooxda Bayern Munich ayaa ka careysiisay taageerayaasheeda ka dib markii kaftan dhanka saxaaafada ah ay sameeyeen iyagoo sheegay inay la soo wareegayaan weeraryahan magac weyn leh, balse hadalkoodaas uu ugu danbeyn noqday kaliya kaftan.
Kooxda Jarmalka ayaa ku qortay websitekeeda inay la soo wareegeyso ciyaaryahan magac weyn leh, islamarkaana saaxafada loo soo bandhigi doono duhurnimada maanta ah.
Warkaasi ayaa waxa uu keenay inuu ka farxiyo taageerayaal badan oo Bayern Munich ah kuwasoo islahaa xiddig weeraryahan ah ayaa la keenayaa Allianz Arena.
Xitaa waxaa warkaan sii baahiyay inta badan saxaafada Isboortiga, kuwasoo sii sheegay in Munich ay la soo wareegeyso ciyaaryahan magac leh oo weerarka ka ciyaara.
Taageerayaasha ayaa loo sheegay inay soo bandhigista ciyaaryahanka ka daawan karaan barta Facebook-ga ee ay Bayern Munich leedahay, lakiin markii la gaaray xilligii balanta taageerayaasha ayaa ka helay fight ay ka xumaadaan.
Agaasimaha kooxda Christian Nerlinger ayaa ka soo muuqday muqaalka Video-ga ah lakiin ciyaaryahanka waxa uu noqday in qof kasta uu arko sawirka form kiisa.
Taageere kasta oo galay boga Facebook ee Bayern Munich ayaa waxa uu ku arkay magaciisa oo dusha kaga qoran maaliyad Number 8 ah oo Bayern Munich ah.
“Taageerayaasha qaaliga, waxaan filaynaa inaadba hore ka ogaateen inuusan jirin ciyaaryahan aan la soo wareegnay” ayaa lagu yiri warbixin ay Bayern Munich Facebook soo dhigtay.
“Waxaan dooneynay inaan taageerayaasheena tusno qiimaha ay kooxda agteeda ka leeyihiin”
Warbixin kale oo ay bogooda soo dhigeen waxa ay ku yiraahdeen ciyaaryahanka aan la soo wareegnay waa adiga waxaad tahay qofka 12aad ee garoonka nala soo celebration blotch kasta.
Nusa saacii ugu horeeyay ee warbixintaasi ay soo dhigeen waxaa fekrado ka dhiibtay ilaa 3 kun taageerayaal ah kuwasoo badankooda careysnaa.
“Ma qadadii aan doonan lahaa ayaa maanta u daayay kaftan xun oo aan soconeynin” ayuu yiri Bunyamin Divarci oo taageere Bayern Munich ah.
“Dadkii ka danbeeyay arintaan waa in talaabo laga qaadaa” ayuu hadalkiisa raaciyay.
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=8610












