Tababaraha Napoli Walter Mazzari Oo Laga Ganaaxay Kulamada Chelsea Ee Champions League.

From Abdulahi Warwad.com January 27, 2012 -- Updated 11:56 pm

Tababare Walter Mazzari ayaa ganaax labo kulan ah kala kulmay xiriirka kubada cagta qaarada Yurub ee UEFA, taasoo la micno ah inuu seegi doono kulanka labada projection ee ay Napoli wareega 16ka kula ciyaareyso Chelsea.

Tababaraha ayaa casaan loo taagay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Villarreal 7dii bishii Dec ka dib markii uu kala tuuray Nilmar oo doonayay inuu waqtiga dhumiyo.

Mazzarri ayaa ka dib sheegay inuu doonayay inay ciyaartoydiisa fal celin ka bixiyaan casaankii uu qaatay, markaasoo ciyaarta ay aheyd 0-0 islamarkaana ay ka hari lahaayeen Champions League.

UEFA ayaa haatan ku xukuntay inuu labo ciyaar ka fariisto islamarkaana uu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya 3 kun euro, taasoo la micno ah in tababaraha uu taribuunka ka soo daawan doono labada projection ee kooxdiisa ay la ciyaareyso Chelsea.

“Racfaan ayaan ka qaadan doonaa wixii ka bilowda isbuuca soo socda” ayuu yiri qareenka kooxda Napoli Mattia Grassani.

“Waxaan rajeyneynaa in ugu yaraan ganaaxa laga dhigo hal kulan, madaama aysan polish dhibaato ah gaarin ciyaaryahankii la riixay”

Lugta koowaad ayaa waxa ay ka dhici doontaa San Paolo 21ka Febraayo, halka lugta labaad ay ka dhici doonto Stamford Bridge 14ka Maarso.

We recommend

Ferdinand Iyo Rooney Oo Isku Aragti Ka Noqday In Harry Redknap Uu Noqdo Macalinka England
Athletic Bilbao Oo San Mames Ku Dubatay Man United Kana Reebtay Koobka Europa League.
Barcelona Oo Difaacday Lionel Messi Xilli Rosyton Drenthe Uu Ku Eedeyay Inuu Cunsuri Yahay.

Short URL: http://warwad.com/?p=8645

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site