Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee FA Cupka Ee Kooxaha Liverpool vs Man United.
From Abdulahi Warwad.com January 28, 2012 -- Updated 3:56 pm
Kooxda Liverpool ayaa waxa ay soo dhaweyn doontaa kooxda Manchester United waa kulanka ugu qatarsan uguna xamaasadeysan ee wareega 4aad ee koobka FA Cupka.
Kulankaan la sugi la’yahay ayaa waxa uu ka dhici doonaa garoonka Anfield, iyadoo Reds ay hore u buukimatay hal booqasho oo ay ku tageyso Wembley ka dib markii ay u gudbeen finalka koobka Carling Cup oo ay ka soo talaabsadeen Manchester City.
Labada kooxood ee Reds iyo Red Devils ayaa si wadajir ah ugu baaqay taageerayaasha inay si mas’uuliyad ku jirto u dhaqmaan, iyadoo ay tahay kulankii ugu horeeyay ee labada kooxood ay isaga horyimaadaan tan iyo arintii dhexmartay Patrice Evra iyo Luis Suarez.
Evra ayaa la filayaa inuusan jawi soo dhaweyn ah kala kulmin Anfield oo uu oorin kala kulmo taageerayaasha The Kop, lakiin kabtanka Liverpool Steven Gerrard ayaa ugu baaqay taageerayaasha Reds inaysan polish gef ah u geysan Evra islamarkaana ay ku ekaadaan kaliya ka hadalka ciyaarta.
Waxaana hadalka Gerrard taageeray tababare Sir Alex Ferguson oo isagana ugu baaqay in labada taageerayaal ay isdejiyaan islamarkaana ay diirada saaraan kaliya kulanka ka dhacaya Anfield. Si kastaba waxaa la filayaa inay maanta Anfield ka dhacdo ciyaar heerkeedu sareeyo oo xamaasad wadata.
MAXAA KA CUSUB?
Tababaraha kooxda Liverpool Kenny Daglish ayaan qabin dhibaato dhanka soo xulashada ah ka hor kulanka Manchester United, lakiin waxa uusan awoodin inuu ku soo darsado Luis Suarez oo weli ku jira ganaaxiisii sideeda kulan.
Lucas ayaa la maqan dhaawac jilibka ah waxaana la filayaa inuu maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, halka ciyaaryahanka da’da yare e daafaca Jack Robinson uu isna dhaawac la maqan yahay, lakiin xitaa hadii uu taam ahaan lahaa 18 jirkaana uma badnaan laheyn inuu ciyaaro marka xisaabta lagu darro xamaasada kulankan uu leeyahay.
Tababaraha kooxda United Sir Alex Ferguson ayaa ka walwalsan dhaawaca qaar ka midst ah ciyaartoydiisa. Wayne Rooney ayaa shaki uu ku jiraa ka dib dhaawac yar oo ka soo gaaray kulankii Arsenal, lakiin waxaa la filayaa inuu ciyaari karo kulankaan, Rio Ferdinand iyo Anderson ayaa iyagana uu shaki ku jiraa inay ciyaari karaan, halka Phil Jones iyo Nani ay dhaawacyo kaga maqnaan doonaan kulankaan.
Michael Owen weli dhaawac ayuu ku maqan yahay, halka Darren Fletcher oo xanuun caloosha ah la maqan iyo Nemanja Vidic oo jilibka ka dhaawacan ay seegi doonaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, lakiin waxaa laga yaabaa in Ashley Young uu ku soo laabto kursiga keydka United.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
LIVERPOOL: Reina; Johnson, Skrtel, Agger, Jose Enrique’ Adam, Gerrard, Henderson, Downing; Bellamy, Carroll.
MANCHESTER UNITED: Lindegaard; Rafael, Smalling, Evans, Evra; Valencia, Carrick, Giggs, Park; Rooney, Welbeck.
Markii ugu danbeysay ee kooxda Red Devils ay Liverpool kaga badiso tartankaan garoonka Anfield waxa ay aheyd 1985kii, markaasoo Joe Fagan uu macalin ka ahaa. Waxaana ka bedelay Kenny Dalglish oo isku noqday ciyaaryahan iyo tababare xilli ciyaareedkii ku xigay.
- Shantii kulan ee ugu danbeysay ee FA Cup ee ay kooxahan ku kulmaan waxa ay ku kala baxeen farqi hal gool ah, iyadoo seddex ka midst ah ay ku dhamaatay 1-0 halka labada kale ay ku dhamaatay 2-1.
- Dalglish ayaa Liverpool u qaaday FA Cup labo ridicule markiisii ugu horeysay ee u kooxda tababare u noqdo, waxa uu Reds u qaaday xilli ciyaareedkii 1985-86 iyo xilli ciyaareedkii 1988-89. Sidoo kale waxa uu ka midst yahay ilaa 15 qof oo koobkaan ku guuleystay iyagoo macalin iyo ciyaaryahan isku ah.
- Steven Gerrard ayaa afartiisii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka horyimaado Manchester United waxa uu ka dhaliyay seddex gool waxaana uu qaatay casaan.
- Manchester United ayaa laga badiyay seddex ridicule 21koodii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen tartamada oo dhan.
- Markii ugu danbeysay ee Red Devils ay guuldarro ka soo gaarto Liverpool koobkan FA Cup waxa ay aheyd 2006dii, markaasoo Reds ay ku badisay 1-0 wareegii shanaad ee FA Cupka.
- Sir Alex ayaa koobkan ku guuleystay shan ridicule 25kii sanno ee uu macalin u soo ahaa kooxda United. Hadii uu ku hogaamiyo midst lixaad waxa uu barbareyn doonaa tababarihii hore ee Aston Villa George Ramsay oo rikoor ku haya lix ridicule oo uu qaaday FA Cup.
- United ayaa haatan ah kooxda ugu guulaha badan koobkan, iyagoo ku guuleystay 11 jeer. Liverpool waxa ay ku guuleysatay 7 jeer, iyadoo koobkoodii ugu danbeeyay ee FA Cup uu ahaa 2006dii markaasoo ay rigoorayaal kaga qaadeen West Ham.
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=8663












