Gabon Iyo Tunisia Uu U Soo Gudbay Wareega 8da Koobka Qaramada Afrika, Morocco Iyo Niger OO Haray.
From Abdulahi Warwad.com January 28, 2012 -- Updated 3:56 pm
Xulka dhinac ka martigelinaya koobka qaramada Afrika ee Gabon ayaa u soo gudbay wareega 8da ee koobka qaramada Afrika ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen xulka Morocco.
Ciyaaryahanka bedelka ku soo galay Mbanangoye ayaa goolka guusha u saxiixay daqiiqadii 8aad ee ciyaarta lagu daray, taasoo u sahashay in Gabon iyo Tunisia ay ka soo baxaan Group C, halka Morocco iyo Niger ay iyagana isaga hareen koobka qaramada Afrika.
Morocco ayaa u muuqatay midst xaqiiqsatay barbaro 2-2 ah ka dib markii rigoore uu daqiiqadii 90aad u saxiixay Houssine Kharja ay ciyaarta barbaro ka dhigtay. Lakiin goolkii soo daahay oo Gabon heshay ayaa rajadoooda koobka soo gabgabeysay.
Tunisia ayaa iyadana ciyaar ka horeysay tan waxa ay 2-1 kaga badiyeen xulka Niger. Gabon iyo Tunisia waxa ay wada leeyihiin 6 dhibcood, halka Niger iyo Morocco aysan polish dhibic laheyn ka dib markii labada kulan ay ciyaareen laga badiyay.
Maanta waxaa la ciyaarayaa kulamada labaad ee Group D
Botswana vs Guinea
Ghana vs Mali
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=8666












