Bayern Munich Oo Gudubtay Semi-finalka Koobka DFP Pokal Ka Dib Markii Ay Garaaceen Stuttgart.
From Abdulahi Warwad.com February 9, 2012 -- Updated 1:35 pm
Kooxda Bayern Munich ayaa si sahlan waxa ay ugu gudubtay semi-finalka koobka DFB Pokal ka dib markii ay labo gool iyo waxba ku garaaceen kooxda Stuttgart, iyagoo sii nooleeyay rajada ay ka qabaan inay sannadkan hantaan seddex koob.
Kooxda Bavarians, oo badiyay kaliya midst ka midst ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka islamarkaan ka soo dhacday kaalinta koowaad ayaa u qabatay hogaan ay u qalantay ka dib markii Franck Ribery uu kubad shabaqa ku hubsaday baas uu ka helay Thomos Mueller ka dib.
Ciyaaryahankii hor eee Stuttgart Mario Gomez ayaa ilbiriqsiyo ka dib goolkii labaad u dhaliyay kooxda Bayrern markii ay bilaabatay qeybtii labaad ee ciyaarta.
Kooxda heerka labaad ee Greuther Fuerth ayaa iyadana markii ugu horeysay abid soo gaatay semi-final ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Hoffenheim iyadoo tababaraha kooxdaas uu haatan mustaqbalkiisa shaki weyn ku jiro.
Borussia Moenchengladbach ayaa u baahneyd inay waqtigii dheeriga ahaa 2-0 kaga badiso kooxda Hertha Berlin.
Kooxda hogaanka u heysa Bundesliga ee Borussia Dortmund ayaa iyadana 4-0 ku garaaxday kooxda Kiel si ay ugu soo baxaan semi-finalka DFP Pokal.
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=9077












