Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Champions League Ee Kooxaha CSKA Moskva vs Real Madrid.

From Abdulahi Warwad.com February 21, 2012 -- Updated 1:03 pm

CSKA Moscow waxaa ka maqan kulanka caawa ciyaartoy fure u ah oo ku jiro goolhaye Igor Akinfeev, Mark Gonzalez iyo kubadsameeye Keisuke Honda oo dhamaantood dhaawac ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Aleksandrs Cauna, oo qaliin maray martamihii Janaayo ayaa isna ka maqnaan doona CSKA, halka Pavel Mamaev iyo Kirill Nababkin ay iyagana hal kulan oo ganaax ah ku maqnaan doonaan.

Maqnaanshiyaha ciyaartoyda badan ayaa ku qasbi doonta tababare Leonid Slutsky inuu kulankoodii ugu horeeyay siiyo ciyaartoydoodii uu la soo wareegay bishii Janaayo Pontus Wernbloom iyo Ahmed Musa.

Tababaraha Real Madrid Jose Mourinho ayaa isna waxaa ka maqnaan doona Angel Di Maria oo dhaawac uu soo gaaray kulankii Racing Santander.

Sidoo kale waxaa kulankaan ka dhacaya caasimada Russia ka maqnaan doona Lassana Diarra oo ka soo bogsanaya dhaawac dhabarka ah, halka Hamit Altintop uu isna dhaawac yahay. Karim Benzema ayay u badan tahay inuu booskiisa weerarka ka xajisan doono Gonzalo Higuain.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

CSKA Moskva: Chepchugov; A Bere’ski, V Bere’ski, Igna’vich, Schennikov; Wernbloom, Aldonin; Oliseh, Dzagoev, Musa; Doumbia

Real Madrid: Casillas; Arbeloa, Pepe, Ramos, MarceloKhedira, Alonso; Ozil, Kaka, Ronaldo; Benzema

 

  • CSKA Moscow, oo haatan ku maqan fasaxooda seddexda bilood ee qaboobaha ayaan kulan tartan rasmi ah ciyaarin tan iyo Dec 7, markaasoo ay kooxda Inter 2-1 kaga badiyeen ciyaarihii wareega Groupyada.
  • Kooxda reer Russia ayaan waligeed ka horimaanin kooxda Real Madrid, lakiin weli lagama badin shan kulan oo ay ka horyimaadeen kooxo Isbaanish ah, seddex kulan iyaga ayaa badiyay, labo kulana barbaro ayay ku kala baxeen.
  • Hadii CSKA ay ka badiso Real, waxa ay ka dhigeysaa guushoodii 50aad ee tartamada UEFA.
  • Real Madrid ayaa badisay 27 ka midst ah 30kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxaana ay gool soo dhaliyeen kulan kasta oo ka midst ah.
  • Los Merengues ayaa ah kooxda kaliya ee tartankan ee ku soo baxday rikoor 100% ah, waxaana ay leeyihiin daafaca ugu fiican madaama labo gool kaliya laga dhaliyay.
  • Cristiano Ronaldo ayaa 23 rigoore oo isku xigta u dhaliyay Real tan iyo markii uu qasaariyay kulankii Almerie bishii Dec 2009kii.

 

We recommend

Mourinho: Qolka Labiska Ayaan Ku Maqlay Inaysan Marnaba Macquul Aheyn In Lagu Badiyo Camp Nou.
Xulashada Jimcaha: Aaron Ramsey Oo Laga Soo Sheegay Qumaynimo (Video)
Mourinho Oo Iska Fogeeyay Go’aankii Ay Real Madrid Kaga Aamustay Saxaafada.

Short URL: http://warwad.com/?p=9405

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site