logo Warwad


Gabar dhalinyaro ah Sheeko qosol ah

Gabar dhalinyaro ah ayaa waxay u timi Nin Khabiir ah oo dadka la taliya. Waxay ku tiri, Waxaan ahay Inan aad u qurxoon waxaan doonayaa in aan guursado laakiin maadaama inta badan raggu dumarka ku raacaan Quruxda banaanka ah oo aysan eegin tan gudaha ah waxaan ka baqayaa in sanado ka dib marki quruxdeyda dhamaato uu ninka iga tago oo mid kaloo qurxoon aado. Sidee welwelkaa ka yeelaa bal ila tali?
Maadaamaa uu ahaa Nin weyn Waaya arag ah oo wax la weydiiyay, war-wareeg iyo war badan ma gelin, wuxuu ku yiri: “Hadaa sidaa ka walwaleyso waxaad sameysaa Guurso nin kaa weyn marki ay quruxdaada dhamaan rabto isagana araga indhahiisa waa tageen!!”

Fikradaada ka dhiibo n