logo Warwad


Sheeko qosol ah oday reer xamar ah iyo wiilkiisa

Oday Reer xamar ayaa ku noolaa muddo gaareeso 40 sano magaalo ku taalo Mareekanka ee lagu magacaabo Chicago, waxuu aad ujeclaa inoo gaartankiisa ee gurigiisa beer ku abuurto, laakiin waa kaligiisa, waana oday waayeel ah misana aan awoodin inoo falo Dhulka. Sidaas awgeed waxoo Warqad Email ah udiray Wiilkiisa oo jaamacad ka dhiganaayay Germalka kuna dhahay “wiilkaygoo maanta aad aan uciiloonayaa waan hubaa haddii aad ila jooogi lahayd maanta waa isaacidi lahayd oo dhulkan aan beerta ku abuuranaayo aad ii fali lahayd, laakiin waan ka xumahay waad iga fogtahay..””

Wiilkii ayaa warqaddii aqriyay kuna jawaabay.
“Aabe fadlan ha isku taaban hana udhawaanin, waxaan ku qariyay geedkii.. aabe waan ku jeclahay..”

Isla subaxdii waxaa yimid askar ordeeso FBI Ay wehliyaan CIA iyo weliba boolis qaas ah oo tiro badan waxayna qodeen dhulkii oo idil oo ay wada baareen, kadibna waxba kama aysan helin.

Isla maalintii wiilkii ayaa ujawaabay aabihii iimeel ku dhahay: “aabahaygii aan jeclaayoo hadda dhulkii aad rabtay waa laguu falay gabi ahaantiisa waxaad rabtina waad ku beeran kartaa, wax kaliya aan maanta kuu awoodo oo sam kuu sameen karo. Wiilkaagi Ahmed
kkkkkkkkk

Fikradaada ka dhiibo n