logo Warwad


sheeko qosol iyo xikmad isugu jirta

imageswaxa jiri jiray nin taajir ama maalqabeen sidaad u taqaano waxaana u shaqayn jiray dad tiro badan dadkaasi wax ka mid ahaa nin cunto kariye ah

ninkaasi taajirka ahaa wuxuu ahaa nin aad dabeecad qalafsan oo aad u canaan badan gaar ahaan ninka cunto kariyaha ah aad buu u canaanan jiraay

hadaba mudo ka dib wuxuu go,aansaday inuu dabeecadihiisa wax badan ka badalo oo uu dad la macaamilkiisa hagaajiyo waxaanu u yeedhay ninkii cunto kariyaha ahaa si uu u raaligaliyo

waxaanu ku yidhi  ” waxaan maanta rabaa inaan kaa raali galiyo dhaqankaygii iyo dabeecadaydii qalafsanayd ee aan kugula dhaqmi jiray iyo canaantii waxaanan kuu balan qaadayaa in aanan dib kuu canaanan doonin  ”

markaas buu isagoo faraxsan ninkii cunto kariyaha ahaanaa ku yidhi taajirkii ” waad mahadsan tahay ana waxaan kuu balan qaadayaa maanta ka dib in aanan maraqa cantuuf kuugu soo tufayn ”

waxa xaqiiqo ah in qof waliba wixii aad gashato aad ka helayso

Fikradaada ka dhiibo n