logo Warwad


Siyaabo fudud aad fikirka faraha badan aad is kaga yareen karto

Maka mid tahay dadka fakarka badan ama si xad dhaaf ah ugu fakara wax kasta oo ay sameynayaan? Xaqiiqdi nolosha waa kugu adkaaneysaa marka aad si xad dhaaf ah u fakarto inkastoo mararka qaar faa’ido leedahay. Inta aadan is dhibin naftaadana istarees gelin, raac talaabooyinkaan aan ku siinayo si’aad u joojiso fakarka badan.

Xad usamee waqtigaaga.

Marka aan go’aan qaadaneyno, inbadan oo naga mid ah way ka labalabeeyaan inay go’aanka saxda ah qaataan. Aniga shaqsi ahaan waan ka labalabeeyaa marka aan go’aan weyn qaadanayo, laakin inbadan oo aan ka fakaraa waa in badan oo uu go’aanka igu adkaadaa, hadii aad sideydoo kale tahay isku day inaad xadeysato waqtiga aad fakareyso. Tusaale u sheeg naftaad inaad go’aanka ugu danbeeya aad sameeyn doontid saacasda markay tahay hal saac habeenimo, marka aad waqtigaaga xadeysato xaqiiji inaad waqtigaas dhaafin. Waana qaabka ugu fiican ee aad ku joojin karto fakarka faraha badan, aniga shaqsi ahaan ayaa sidaas sameeyay waan ku guuleystay, bal adigana isku day.

Wax fiicnaan u dhameystiran ma jiraan.

Dhib malaha si kastoo adag oo aan iskugu dayno si aan u gaarno wanaaga, weligeyn ma sameeyn doono. Fiicnaantu ma ahan wax jiro ee wax aad u baahantahay inaad ogaato. Markasta oo aad ogaato in wax fiicnaan u dhameystiran aysan jirin waa markasta ay kuu fududaato nolosha farxadna ku noolaato. Waxaan ogahay dad badan oo ku dadaala si ay u gaaraan wanaaga waxaana arkaa in kaliya ay noloshooda iyo caafimaadkooda burburinayaan. Waxaa intaas kasii daran noloshooda kuma raaxeystaan, waxay isku dayaan wax welba inay wanaajiyaan, laakin nasiib darro taasi suurogal maaha.

Talo weydiiso

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican ee aad ku joojin karto fakarka badan ayaa ah inaad la tashato qof aad aaminsantahay misana aad ku kalsoontahay, wuxuu noqon karaa qof qaraabadaa ka mid ah ama saaxiib kuu dhow. Waxey kuu sheegayaan wax ay dhab ahaan la tahay misana adiga kaa caawin kara inaad go’aanka gaarto, xitaa hadii aysan ku caawin Karin wey ku dhageysan doonaan, taasina waa wax weyn! Hadii aadan laheyn cid aad la tashato, isku day inaad qoraal sameyso adigoo kaga hadlaya khaladaadkii aad horay u sameysay sii xoogaa daqiiqado ah misan arag sida aad dareemeysid.

Isku day inaad naftaada weeciso

Xaqiiqdi midan kaama caawineyso inaad dhibaatadaada xaliso, laakin mararka qaar waa waxa ugu fiican inaad sameyso si aad isaga joojiso fakarka faraha badan, qaado waqti aad ku dejiso maskaxdaada, isku day inaad aqriso buug fiican ama aad daawato waxyaabo kale oo aad isleedahay maskaxdaad way ku degi kartaa, ama xoogaa qeeynuudso (hurdo yar) tani waxey kaa caawineysaa inay maskaxdaada nasato misana ay waxu ukala cadaadaan .

Waqti qaado

Inta badan waan ka baqnaa inaan waqti qaadano si aan wax welba u go’aansano. Hadii aad ka labalabeeneyso qaadashada go’aan labo dhibaato ku heysata, waa inaad bilowdaa inaad marka hore mid xaliso tan kalena aad xagaa iska dhigto, u xali mid mid, jooji fakarka faraha badan.

Jimicsi sameey

Jimicsiga waa mid ka mid ah waxa ugu fiican ee caajiska loogu saaro maskaxda iyo jirka, maxaa yeelay fakarka badan wuxuu sababaa istarees fara badan taaso qofka ku ridi karta niyad jab, hadaba aad meelaha lagu sameeyo jimicsiiga si aad isaga saarto istareeska maskaxdaada iyo jirkaaga ku jira fakarka bandanna uu kaaga dhamaado.

Nolosha sideedaba waxaa ka buuxa dhibaatooyin fara badan, mararka qaar waa inan sameynaa go’aanno adag. Laakin runta waxey tahay inaan barano sida loo sameeyo go’aanka saxda ah anagoon waxyeelo u geysaneyn nafteena iyo caafimaadkeena. Intaas waxaa sii dheer nolosha waxaa ka buuxa khladaad iyo guuldarooyin fara badan, waa muhiim inaad barato sida loo aqbalo khaladaadkaaga misana loo iloobo, si kastaba qofaan khalad sameeyn waa qof aan waxba sameeyn! Waxaan rajeynayaa in talaabooyinkaan ay ku anfici doonaan

Fikradaada ka dhiibo n