logo Warwad


Waxyaabaha Keena In Dumarka Lafuro………

Hadii ay dhacdo inaad ku guulaysan waydo ka hortagida waa kuu muhiim inaad qaadatid go’aan kama danbaysa, Adoon marna hilmaamayn ilaahay xilka uu ku saaray ee ninimada ah.

Qodobadan iyo kuwa la mid ah ayaa ugu waa weyn sababaha keena iska dirida gabadha ama furitaanka:-

1.Doorasho xumada marka hore ee ay is dooranayaan lamaanuhu.

2.Gabadha aan guurka ku qanacsanayn markii horaba, sida ayada oo loo guuriyo qof ay aqoon u lahayn.

3.Ilaalin la’aanta sharciga ilaahay.

4.Diin La’aanta iyo dayicida waajibaadkii saarnaa.

5.Ku liidashada asturaada jirkeeda.

6.Maseyr xad dhaafka ah.

7.Dabeecad xumo.

8.Dan ka gelid la’aan qurxinta gurgeeda iyo jirkeeda.

9.Dan ka gelid la’aanta ilamheeda.

10.Aqoon la’aanta Cuna karinta iyo waliba maamulida gurigeeda.

11.Ka bixitaanka gerigeeda oo aad u badan markasta.

12.Ka dalbashada iyo waydiinta ninkeeda hanti  xili walba ah.

13.Ku  samir la’aanta heerka dhaqaale ay ku nool yihiin.

14.Ku samir la’aanta howlaha shaqo oo u yaala.

15.Baahi tirid la’aanta ninkeeda dhinaca gogosha iyo sheekada IWM.

16.Dibad u saarida sirta ninkeeda.

17.Caasiyida ninkeeda iyo maqal la’aanta.

18.Degdaga iyo waliba Kaadsiiyo la’aanta.

19. Ku barbaarida gabadha nolol mayac ah (aan xaga u leexo la oran karin).

20.Aqoon la’aanta furitaanka iyo waxa ka iman kara hadii lays furo..

Fikradaada ka dhiibo n