logo Warwad


Sheeko & Qaraaxo : Ila Qosol Qoraal ah! Dhaqtar & Nin cuqdad nafsi haayo

Nin xanuun iska dareemay ayaa dhaqtar u tagay
maalin, uguna war bixiyay dhibka iyo sida loo
haayo, ama xanuunka uu qabo.
Dhakhtarkii oo hubsasho sia loo haayo, su’aalo
weydiiyay si uu u ogaado, xanuunka iyo waxa
ninka hayo waxay yihiin.
Dhakhtarkii wuxuu dareemay in ninka jirada
hayso ama cudurka uu yahay mid nafsi ah ama
cuqdad nafsi ee wax kaleba aysan jirin.
Dhaqtarkii ayaa marka talo u jeediyay bukaankii,
kuna yiri : Waxaan kugula talinayaa inaad
niyadaada ka dhaadhicisid inaadan xanuusanayn,
oo jiro dhan aadanba qabin, oo aad tahay qof
caafimaadkiisa taam ah, asagoo ula jeeda, jiro ma
qabtid ee niyadaada lee waaye.
Ninkii oo yaaban wax kale uu sheegana kasi la’
intaas marku maqlay ayuu dhahay “Waa hagaag
dhakhtaroow”, asigoo hoos ka ganuunacaaya,
kuna jiro kan dhaqtar talo heynin waaye, ayuu
kursigii ka sara kacay dhanka erida sii aaday, si
uu u baxo.
Dhaqtarkii ayaa intuusan bixin bukaankii ku yiri
“Waar ninyahow waaban ilaawi tagee, lacagtii
baaritaanka isii”. Bukaankii hoos ka
ganuunacaayay ayaa mar qura lasoo booday
“Dhakhtaroow, adigaba iska dhaadhici inaan
lacagtii kuu hor mariyay. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Wax Walbo Oo Ku Saabsan shekoyin ku xiiso galiya  Kalasoco Page-kan Warwad.com

Fikradaada ka dhiibo n