logo Warwad


Sheeko qosol ah

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wuxuu yimid gurigiisa asoo markaasi kasoo rawaxay shaqadiisa caadiga.

Maalin jimce ayey ahayde ninku wuxuu damacsanaa inuu xoogaa hurdo hadaba markii uu yimid gurigiisa waxaa uu durba galay qolkiisa jiifka ahaa si uu u hurdo.

Xaaskiisa markaas waxaa ay cunto ku karineysey jikada, markiba qolka ayuu kaso baxay wuxuuna u yimid xaaskisa wuxuuna ku yiri “heedhe kaali duqsi guriga dhex duul duulaya naga jaf” naagtisa ayaana ugu jawaabtay “aniga hadda cunta ayan karinayaaye sunta kaneecada armaajada ayeey dul saaran tahe iska buufi” ninkii markiba wuu laabtay.

Hadaba naagtisa oo qadada soo diyaarisey ayaa ninkii usoo gashay asagoo hurdadaya ayeey toosiyey si uu u qadeeyo waxayna ku dhahday “oo waad hurdaysaabe tixsigii aad ka cabaaday meeyey” markaas ayuu ninki yiri “waa dhameeyey waliba 8 ayaad diley 4 niman ah iyo 4 naago ah!

Naagtisa aya weydiisey “sidee ku kala garatay nimankooda iyo naagahooda” ninkii ayaa yiri “waxaan ku kala gartay 4ta  NIMANKA MIISKA AYEY SAARNAYEN OO SOKOR AYEY CUNAYEEN 4ta NAAGAHANA ARMAAJADA AYEY SAARNAAYEN OO MURAAYADDA AYEY ISKU FIIRINAYEEN!!!!”

Fikradaada ka dhiibo n