logo Warwad


Sidee uga Dhigaysaa Shaqaalahaaga kuwo shaqadooda si hufan uguta

Caalamkaan hada aannu joogno ee baratanka adag uu ka dhex jiro shirkadaha xurmaha kala duwan iyo hay’adahaba waxa kaliya ee lagu qiyaaso ama lagu qiimeeyo meesha hawsheedu aad ka uga gadisantahay kuwa kale oo si xawli ah u hawlgasha waxaa weeye Shaqaalaha soocan ee Shaqada si hufan ugutada islamarkaana hadii larabo Xaruntu in ay hormarto aad loo ilaaliyaa Shaqaalaha iyo Daacadnimada uu shirkada u hayo si loo xaqiijiyana ay ku xirantahay raali galinta Shaqaalahaas waxaana ay ku imaanaysaa Maamule in aad raacdid Tilaabooyinkaan:-

 

1.Isku day in aad ogaatid baahida Shaqaalahaaga ama aad sii saadaalisidba inta uusan soo bandhigin.

2.Dhaqayso Shaqaalahaaga hana iska dhigin nin ka sareeya ama uusan u qalmin in uu shaqaalahaas oo kale wax ka dhagaysto xataa hadii uu qaabka iyo asluubtii ku haboonayd u dhaqmi waayo.

3.Si hufan ula shaqee Shaqaalahaaga runna ka sheeg dhamaan su’aalaha kaaga yimaada Shaqaalahaaga.

4.Qaabkii uu kuulasoo xariiri lahaa ka dhig mid sahlan ama isku dayn in uusan kaa war wareegin marka uu wax kaaga baahdo.

5.Xiriir wanaagsan oo saaxiibtinimo la yeelo Shaqaalahaaga.

6.Haka been sheegin balamaha aad la gashid Shaqaalahaaga xataa hadii wax iska hooseeya ay tahay waxa uu kugula balamay.

7.Si habaysan ula xariir Shaqaalahaaga yacnii marka aad rabtid in aad shaqada iyo sida ay usocoto aad ka waraysatid waxaad fiirisaa sidii aad u qancin lahayd shaqaalahaaga adiga oo tusaya sida aad ugu dadaalaysid baahiyahooda iyo maslaxadooda.

8.waji furfuran la hortag Shaqaalahaaga Dhoolacadayntuna maa humiin.

9.ha ganaaxin Shaqaalahaaga hana ka joojin shaqada adiga oo isticmaalaya (Shaqaalahu ma khaldamo).

10.Mashaakisha Shaqaalaha ku xalli wakhtiga uyar.

Iyo Kuwo kale

Cabdiraxmaan Sanka

Fikradaada ka dhiibo n