Ruux Daraadeed isu soo biimeeyay maku xumeen laheyd? Dhacfo dhab ah

From BalwaaN Warwad.com January 9, 2011 -- Updated 9:29 pm

Qisadaan ama sheekadani waxay dher martay ama ay wali ka dhextaagan tahay lamaanayaal soomaaliyeed oo la kala yiraahdo cabdi naasir maxamuud dhaqane iyo qof aan amar laga haysan in magaceeda saxafada lagu so bandhigo shekadaan waxa isoo gudbiyey qof goob joog u ah dhacdadan oo ka dhacday Nairobi Kenya kuwaasoo xaalkoodu maraaayo meel xun una baahan talo baxin Buuxdo oo dhanka wanaagsan laga eegay waayo arimahaan mahan kuwo ku cusub bulshada oo waa waxyaabo horay usoo jiri jiray hadeerna la dhahi karo fari kama godna.

Lamaanayaasha qisadaan ku dhacday mid ka mida ayaa si gaar ah bulshada u weeydiisanaayo talo baxin talaabada uu qaadi lahaa madama xaaladu noqotay (DHEG DHEER TAAN U DHIGTAYBA MAAHAN) macnaha ereygaas oo aad wada fahmi kartan meesha uu ku biyo shubanaayo waxba yaanan ku dheeraan hadalkee aan u daadago dulucda.

Waxaan ku noolahay dalka koonfur africa gaar ahaan magalada cape town waxaan galab galbaha ka mid ah shababakada caalamiga ah ee msnka aan ku barrtay qofta aan Ifka ugu jeclaan doono ee sida tan ii gashay markii hore waxan isku baranay qaab oo ah adaa igu darsaday iyo adaa igu
darsaday is qabqabsi iyo dood dheer ka dib waxan Noqonay dad xooga is fahma waxayna ii sheegtay iney ku nooshahay magalada Nairobi ee dalka Kenya,aniga waxan u sheegay inaan ku noolahay Cape town South africa Wada sheekeeysi iyo is xaariinin socotay mudo sanad iyo wax la jiro ah.

Kadib waxa noo suuro gashay inaan noqono lamaane isku haayo kalgacal iyo xiiso weeyn kuwaasoo Nafsadoodu isku qanacday oo dhan walbo ka turxaan baxsan xariirkeena wuu sii socday mudo laba sano ah ayaan isla gaarnay mudadaas labada sano ah aniga waxay iiga Dhigantahay baal dahab ah xaga nolosheyda oo waxan ahaa ruux wehel haaystay inkastoo aay iga fogeed gacalisadeeyda qaaliga aheed markuu xaal halkaas maraayo Ayaan malin malmaha ka mid ah kawada sheekeeysanay inaan is guursano oon gunta u daadagno si aan u noqono kuwo ka guul gaaro hadafkoodii iyo ubaxii aay Waraabinayeen mudada dheer waxana isku afgaranay inaan is guursano waxana u sheegay reerkeyga inaan damacsanahay inaan guursado gabar ceeynkaas ah .

Hase yeeshee way igu gacan seeyreen oo waxay igu yiraahdeen heblaayo oo adeerka dhalay ayaa laguu guurinayaa anigana wan ku gacan seeyray madama aniga nolosheyda farxadeedu Aay ku gacanteeyda kadibna waxan reerkooda ka doontay gacalisadeeyda aan ifka ugu jeclahay si sharaf leh ayaana lay siiyey halkasna waxa ka dhacay maharkii Waxaayna iga codsatay madama an noqonay marwo iyo mudanaheeda inaan u wado wadanka aan ku noolahay ee Koonfur Afrika.

Balse anigu waan ka diiday midaas waayo wadanku dhibaatooyin badan ayuu leeyahay sidaas daraadeed ayaan halkii aan ayada keeni lahaa Koonfur Afrika, aan aniga go’aansaday inaan imaado Kenya si’aan nolosha macanteeda ula qeeybsado xaaskeeyga anoo go’aan ku gaaray in waxii aan ku lahaa Koonfur Afrika oo hanti ahaa inaan soo xaraasho si aan taa badalkeeda Kenya uga sameeysto ganacsi.

Go’aankas aad bey uso dhaweysay gacalisadeyda anna go’aankii ayaan ku dhaqaaqay waxiii igu sii haayn lahaa southka waan isku soo duba riday kana Soo aruuray oo noqday nin isku diyaariyo safar iyo xagii aay jirtay gacalisadiisa waxana kasoo dhaqaajiyey south africa sanadkii ina dhaafay ee 2010 dabayaqadiisii waxaana Imid magalada nairobi aan xiiso aad ah u qabay aheedna magalada aan adunka ugu jeclahay madama ay ku nooleed qeyb kamid ah nolosheyda waa xaaskeygee, balse Maxaa dhacay markaan imid Nairobi.

Markaan imid Nairobi aan soo wacay xaaskeeyga waxay igu tiri ninyahow anigu kulama aqal galaayo oo kuma doonaayee ee i fur, dhulka ayaa ila wareegay wana awoodi wayey inaan hadalka ka jawabo in muddo ah ayaan ahaa ruux koronto ku dhegtay oo kale, dhamaana joojiyey dhaq dhaqaaq oo idil, laakiin adkeysi iyo calool riixasho kadib ayaan ku iri maxaad dhahday sidaan ayaan ku dhahay waana go’aankeyga kama dambeeysta ah ayey iigu jawaabtay telkiina way igu Jartay xaalku markuu halkaas maraayo ayaan wacay reerkii ay ka dhalatay waxana laygu dhahay ayada ayaa shalay noo kaa keensaday haday hada ku diidayna anaga kuguma qasbi karno xaal faraha ayuu ka baxay.
Hadaba halkaas ayuu marayaa gabadhii aan darteeda usoo safray ganacsigeyga uso xaraashay ayaa sidaaas igu sameeysay maxaad sameeyn laheed hadii arintaan oo kale kugu dhacdo akhristoow adoo dhanka wanaagsan ka eegaayo bal fikirkada wanaagsan iigu soo tala bixi adna u fikir in arintaan kugu dhacday oo kale si’aad u hesho go’aanka ku haboon ee aad qaadan laheyd.

We recommend

Dalka Kenya lacag ha isku xadin hadii kale cowska ayaad cuneysaa!!!! DAAWO MUUQAALKA
Haweenka maxey ku jecelyihiin Nac-nac qoriga?!!!
Qiso xanuun iyo naxdin leh oo lamaane Somaliyeed ku dhex martay Magaaladda Muqdisho “Dhibaatada Waal…

Short URL: http://warwad.com/?p=994

13 Comments for “Ruux Daraadeed isu soo biimeeyay maku xumeen laheyd? Dhacfo dhab ah”

  1. nabadinho

    asc walaal
    mid ogaaw taladu kuguma noola lakin adigaa ku nool
    ninka ragaana waxa uu ku garaa horu marka wa go aanka adag
    madaama ad so qadatay go aan adag markii hore hadana go an kale qado lakin mid xasuusnaw ninka raga ah labo mar ma qaldamoo
    ha ku ahaayo qaladkaaga kuwaad cibraad kan labadna qibraad
    ma rabi in an ku dhaho wa an qaldaneed marka ad so xarashaysay ganacsigaada lakin waxa anku dhahayaa wa ad ku fududatay aritaasi
    lakin sxb naagta kaa tagtay sabab la aan in kastoo adan shegiin sababta ay kugu diiday hadana waxa an dhihi kara ma aheen mid ku jecleen
    inkasto anan ogeen sababta ay kugu diiday sxb ka qaado goaan naagtaas iskana iloow ilaah aya ka amaal siinaayee

    • Eva

      SC WR WB wallaalo aad ayaan uga xumahay arintaan ku qabsatay ..walaalo runtii waxaa go’aan lagu siin karaa markii aad dhamaystiri lahayd sheekada oo noo sheegi lahayd waxa kalifay IFUR idinkoo isjeclaa…haddii aan gudo galo arin yar oo ani iqabsatay kadib markii aan anni iyo ninkayga aan aadka isku jeclayn ku muranay dhaqaale ayaa waxa ay kaliftay inuu qaato go’aan ah inaan kala tagno kadib markuu ii sheegay arintaa waxaan ku iri jaanis ayaan ku siiyay ee kafiirso hana dagdagin AL_xamdulillaah waa kafiirsaday waana iga raali galiyay iminkana farxadeenii iyo jacaylkeeniba waa noo soo laabtay dad isku kalsoon ayaan nahay.
      Marka walaalkay waxaan kugula talinayaa awalan gabadha waxay qonsatay hadaa ogtahay iyo hadii kaleba qanci oo isku day inaad xaliso arinka . waa qaldamaa biniaadamka sii jaaniskale haddii ay kuu dhamaatay Al_mdulillaah …haddi ay soo taagan tahayna waxay tahay ilaah ku haroo iska fasax qalbadaadana kagooo qoftaas yeeysan kula harin aduunkaan horay u sii soco ..asxaabta lakulan iskuday inaa kasaarto qalbaddaada …thanks good luck

  2. sxb waad ku mahadsantahay in aad talo naga soo weydiiso arinta kugu dhacday waxaan ku oran lahaa carabtu waxay tirahda maa faata faata wixi i tegay teg oo tiigsimaad maleh markaa waxba ha u joojin hana is darensiin arintaa kugu dhacday aduunkana intaad kunooshahay wax badan ayaad la kulmaysaa markaa ilaahay talo saro mid kawanaagsana doono.

  3. ASC walal waxaaan kugu laah talin laaha ariintaan saan nafteyda ugu taliin lahaa sababto qoralkaa marki laah qoreyey ayaah laaguh shegeey in ay tahey waxa dhabaah ,,markah kowaad duceyso ilaah kaah bari sidaad ugaah samri lahedy qof dhinteybaha waa lagaah simraaah wlala hadaaana hadey ku diideey adoooh uu imadey darteed waxbaah maah kaah xumanayaan waxaa lagaha yabaah in aan kheyrbaah kugu jirir marka caloosha xiro nin ragaah tahey is iloowsi duceysanaah baryadaah ilaah lagamaah quusto wlala hadaa idiiideey macasalamaah ku dheeh hadii aaaadaan aheey wax xaaal waayeh lkn intaah xaal doooni kartiid dooon ilaah haa ku laah garab galo muraadkagaah mahadsanid

  4. Asc walal wankaxumahay arintada balse waxanku oranlaha inkasto adan shegin waxa kenay ifur waxa lagadonaya inadan fududan o marwadada aad qanciso kunadadal ina la,aqal gasho waxkastaba hakuguqadate wahadey waxa shegeso dhabkayihin sxb wixi lagudhibtodo ayuţqtext (5524)

  5. Carwo

    Asw. Walaallow wax walbaa waa qaddar inaanay khayr kuu ahayn baa dhici karta oo ilaahay intaas sharteedii kaaga celiyey. Midda kale 2 sano waa muddo aad u dheer waxaan isleeyahay waad ku garan kartey daacadnimada qofka hadaad aad ugu fiirsato. Waxayse ila tahay marka qofka wejiweji loola sheekaysto way sahlantahay inaad cabirto runtiisa iyo beentiisa waxaa ku galaayaa dareen laakiin marka sheekadu qoraal iyo taleefan noqoto wax badan baa kaa qarsoon waana meesha ay wax ka khaldameen qiyaastii.

    Internettka barashada koowaad waa ok laakiin haddii la sii fogaado waa in lays arkaa haddaan lays arki karin waa inaad ka tanasushaa waayo xataa xadiiskii nebiga csw wuxuu ahaa inaad aragto gabadhaad guursanayso micne weyn baa ku jira.

    Anigu aadbaan uga soo horjeedaa nidaamkaan internettka lagu xiriiro badankooduna fashilaad bay ku danbeeyaan waayo inaad cabirto qofka aad lahadlayso ma sahlana haddi dareen jacayl ku galana kaba sii daran. Marka waxaan kugula talinaayaa mustaqbalka guurso gabar aad ula arki karto iska ilow internett. Waa ra’ yigayga Nasiib wanaagsan baan kuu rajeynayaa insha allaah.

  6. farhan

    asc
    niyaw horta inaad talo waydiso dadka waa waxfican oo ilahayku waafajiyay tankale kolay talo inti ugu muhiimsanayd waxa ku tidhi walaasha EVA
    hadan midku daro waxad soo ogaata sababta kentay furitaanka iyado waxdhib ah jirin waa inaad oogata waxkastaykugu qaatado oganshahaas kadib
    1)haday tahay sababtu mid macquul ah oo la xalinkaro ama ay waxkaa tabanayso dee nin ayaat u tahay oo xali.
    2) haday tahay sababtu mid ay kugu lugooynaysay oo ka tahay xumaanto aykuulasoo bareertay oo ayna waxkale ka ahayn xumankaliya ahna dee niyaw waxaatahay nin laga gardaranyahay ama ladulmiyay qofka la dulmiyaana ilahay ducadisa waa u aqbalaa ee ilahay bari 2 wadna waydisankarta inuu kuugu badalo mid khaybadan & inaad habaarto oo dadkoo dhami arkan cuqubadaykaa shaqaysatay ayka muuqato inta ka hartay nolosheeda oo dhan,
    intaasan ugabaxay ee sxb dood luk

  7. as/ca walaal aad baan ooga xumahay in ey kugudhacdo areitaasi laakiin sxb waa nasiib ayaa dhihikaraa midalabaad waxaan ku lee ahaya sxb intaad nabsi galilaheed adiga halagaagalo.

    aniga hada waxaa iheeysata mida adiga ku heeysada mid kasoo horjeeda.
    talo waan kaaga baahan ahay maadaama eey ku heeysato.

  8. Cabdala

    Asc dhaman musliminta soomaliyed kabadci fakarkeyga waxa weye allah talo saaro oo hadad samarta waa lagaa abaalmarin wax ka kheyr badan imtixankas marka dulqaad aya loga gudba dhib dhan wana danbe dhaf&ajar bdan oo hesho aduun ama akhiro midna ogow qoftas kuqayantay ha ogato wa munafiqad cadabna leh aduun&akhiro walal wax kaqeyr bdan allaha kugu badelo Amiin dhamanten wabilahi al towfiq

  9. Asc kooleytaba sideey wax ka nooqden baa waxa lama huraan ah in samirka laysku dardaar mo qofka bani aadaamka ahi dhaan waaliba wa u ku imtiixaaman adigo ku fuududan udhaaba gaal sababta ka daambeysa ifuur mcno la’an mcqul ma ahaan hadeey tahay qof damaceda iyo danteeda gar ahaan ku dumeyso adigoon meelkale uleexanin ikaa daa taa ayaada iyo alaaheda wax waalbana wa dhacn iskaana ilaaw dantada iska raco naaf goodaayba laaga samir

  10. Taadaa waliba taan aniga iqaabsatay marka loo eego waxay noqonayan wax iskaa saahlan marka noloshada yeeysan wax udhiimin amba wax yeeysan ka badalin

  11. Walaal ilaah wuxuu‎‏ ‏yiri (ilaahay ku wii sabra ayuu macooda yahay) ee iska samir kuna quus qaado oo markale ha u bur burin danahaaga qof bin aadana nin raggaana waxaa loobaahan ahay wax uu san filanayn haddii ay qab sadaan inuu iska ilaaliyo sidii mar labaad ay ku qabsan lahayd arrintaa ookale marka samir samirka ayaa wanaagsan

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site