Qoys Soomaaliyeed oo gurigoodii imaanshaha Madaxweyne Obama dartiis Booliiska Norwey u jebiyeen

From toldo Warwad.com March 4, 2011 -- Updated 1:36 pm

Hooyo Soomaaliyeed ayaa waxaa gurigii ay degeneyd jebiyey Poliska Wadanka Norway ka dib markii ay shaki ka qaadeenImaanshaha Madaxweyne Obama darteed.

Sumaya oo ah gabar ay dhashay Hooyada ay gurigeeda polisku jabiyeen ayaa aheyd qofkii ugu horeeyey ee guriga yimid duhurnimadii Arbacada ka dib markii ay ka timid iskool, waxaase u furmi waayey albaabbka waxayna iska fariisatay.

caruutrii oo ayaa iyagana qaarkood ka daba yimid oo iska camirtay halkasii ay Sumaya fadhiday, waxaase aakhirkii yimid Hooyo Nimco kaarshe oo aheyd mas’uulka gurigaasi.

Hooyo ayaa aad ula yaabtay guriga oo si kale ah waxaase markii dambe ay heshay waraaq ay polisku ku dhaafeen halkaasi oo afka Norwagiga ku qorneyd taasoo cadeeyneeysay in ay polisku jabiyeen guriga iyagoona ka codsaday in ay timaado xarunta saldhigga ugu dhawaa.

(Albaabka ay jebiyeen Sirdoonka Norwey iyo kuwa Mareykanka ee CID-da}

Gurioga ayaa jebintiisa waxaa sabab looga dhigay ka dib markii laga shakiyay iyadoo ay dariishadaha qaar ay furnaayeen daahuna uu ka lalmanaayey Xili madaxweyne Obama uu halkaasi maraayey iyadoo wadadaaasina ay u dhawdahay Safaaradda Mareykanka ee Oslo Norway.

Hooyo Nimco ayaa markii Poliska u tagtay lagu war geliyey in arimo nabad gelyo owgeed guriga loo baaray sidaa daraadeedna ay hada xaq u leedahay in ay gurigeeda tagto iyadoo gurigiina loo furay iyadoo furihiina loo keenay.

We recommend

Weeraryahanka Manchester United Federico Macheda Oo Si Amaah Ah Ugu Biiray Kooxda QPR.
I fur ma dhihi laheyd …. Dhacdo aad u xanuun badan oo dhaxmartay lamaane Soomaali ah
Todobaadka Iyo Nasashada Warwad Dhageysi Wanagsan

Short URL: http://warwad.com/?p=2453

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site