QORMOOYINKA - Ninkeyga Ilama Sheekeysto! Alcarabiya Oo Sababta Iyo Xal Ku Haysa… - warwad Somali news lyrics
http://warwad.com/news1/wararka-maanta-oo-dhan

Ninkeyga Ilama Sheekeysto! Alcarabiya Oo Sababta Iyo Xal Ku Haysa…


Haween badan ayaa ka sheegta in ragooda aysan dhageysan oo aysan ihtimaam siin sheekadooda ama ay dhageystaan waxa ay leeyihiin .
Tani waa arin caan ka noqotay nolosha lamaanayaasha iyadoo haweenka ay si weyn u dhibsadaan tani . waxa ayna ku jahwareersan yihiin sidii ay xal ugu heli lahaayeen .
Ragga wanaagsan ayaa aamisana in uusan jirin wax ka mac loona xiiso sheekada lamaantiisa halka kuwo kalana u arkaan dhib u qarsoon.
Baaritaan ay shabakada arimaha bulshada Alcarabiya ku sameeysay ku dhawaad 1000-haween Somali ah ayay sheegeen in ragooda xiligii wada sheegeysiga shukaansiga ay si weyn ugu dhaga nugulaayeen dhageysiga sheekadooda balse guurka ka dib uu ku dhacay is bedel xoogan
Waxa ayna haween badan is weydiinayaan in arinkaasi xiligaa uu ka ahaa mid dan ay ku wateen oo ay ku kasbanayeen qalbiga haweenka .
Haweenkaas waxa ay intaa raaciyaan in si aan la rumeysan karin ay ragooda isu badaleen guurkooda ka dib ayna noqdeen kuwo aan u sabri karin illaa lamaantooda ka dhameystaan sheekada.
Hadaba Alcarabiya ayaa ku siineysa gabaryaheey dhowr talo oo ku aadan sidii ninkaada uu kaaga dhageysan lahaa sheekooyinkaada.
Marka Koowaad:Hala hadlin marka uu mashquulka yahay , Alcarabiya ayaa ogaatay in ninka guud ahaan uusan jecleyn in uu dhageysto lamantiisa hadii uu arin ku mashquulsan yahay , ragga ayaa u arka in sheekada lamaantooda oo ay dhageystaan in ay kaga wanagsan tahay waxa uu ku mashquulsan yahay xittaa hadii u yahay arin sahal ah.
Hala sheekeysan marka uu durbo uu guriga ku soo laabto:Ogaaw ragga sabar malaha marka ay shaqada ka soo laabtaan , adiga oo aan cuno siin uuna helin nasasho haku bilaabin sheeko.
Haku qaylin marka uu diido uu ku dhageysto:waxaad ogaataa gabaryaheey marka aad la xanaaqdo sababta uu ninkaada kuu dhageysan la yahay xanaaqaas ninka waxa uu ka sii qaadaa madax adeeg , iska sug illaa uu isaga ka weydiiyo waxa aad dooneyso in aad ku tiraahdo.
Waxaad ogataa deganaasha aad muujiso in ninka ay ka dhigeyso mid dib u jaleecda mowqifkiisa waxa uuna dareemaya waxa aad wadatay in ay ahaayeen ujeed muhiim ah in aad u sheeegtid.
Weydii in uu ku fahmay:baarayaasha alcarabiya ayaa waxa ay leeyihiin ragga marka wax loo sheegayo waxa ay ruxaan madooxda marka aad u sheegeyneyso hadaba weydii in uu ku fahmay kana codso in uu ku soo celiyo waxa aad u sheegtay.
Ha ku cel celin su`aal uu dhibsanayo:Raga ma jecla in ay ka jawaabaan su`aalaha ay dhibsanayaan ee ay lamaantooda weydiiyaan , tusaale intee jirtay waad soo daahday iyo wax la mid ah .
Ugu sheekeey qaab dhoola cadeyn ah :ragga ma jecla sheekada dumarka ee aan wadan dhoola cadeynta
Dooro sheeko munaasab ah: ninka ma jecla sheekooyinka tirada badan ee haweenka ee sida dhalaceynta haweenka kale , ka fekar sheekada aad la soo qaado saaxibkaada .

 

Waa Inoo Muhiim Fikirkaada .


 

Cisman Fantastic