Kulan Beesha Mudullood maanta ku yeelatay Muqdisho oo uu shir gudoominayay Imaam Maxamuud Imaam Cumar+Sawiro
From Zaki Warwad.com March 3, 2011 -- Updated 4:44 am
Kulan ballaran oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad, Odayaal, Ugaasyada iyo nabadoonada Beesha Mudullood ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaas uu shir gudoominayay Imaamka Beelaha Mudullood Imaam Maxamuud Imaam Cumar.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ku wajahan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin aayaha Mudullood iyo banaan baxyadii ay soo qaban qaabisay Beesha Mudullood, kaasi oo maalmahan lagu dalbanayay in lagu sii daayo Maxamed Dheere.
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo kulanka markii uu dhamaaday ka hadlay ayaa sheegay in marka hore la isku afgartay in la joojiyo banaan baxyada rabshadaha wata ee maalmahan ay Beesha Mudullood dhigeysay, kaasoo looga soo horjeeday xariga Maxamed Dheere.
“Waxaan marka hore isku raacnay in la joojiyo banaan baxyadan ee la gubayo taayarada ee maalmahan ay Beesha Mudullood dhigeysa, waxaan Dowladda ugu baaqay inay deg deg ku sii deyso dadka loo xir xiray falkii banaan baxyaasha loo geystay, ama inay maxkamad soo taagto oo dambigooda ku qaado”ayuu yiri Imaamka oo dhinac fadhiyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.
Sidoo kale Imaam Maxamuud ayaa soo hadal qaaday dagaalada ay qaaday Dowladda KMG, isagoo ku bogaaday Ciidamada Dowladda guulaha ay gaareen sida uu hadalka u dhigay.
“Waan taageersanahay dagaalka Muqdisho ka socda ee Al-Shabaab godkii ay ka soo baxday loogu celiyo” ayuu yiri Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo sheegay in dalka uu ku sugan yahay xaalad laga welwelo, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed inay maanta ku sugan yihiin marxaladii ugu adkeyd.
Kulankan Beesha Mudullood isugu timid ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa oo sanadahan dambe ay wada qaataan, iyadoo kulankan uu ku soo aadayo, xilli Maxamed Dheere oo ka mid ah siyaasiyiinta Mudullood uu u xiran yahay Dowladda KMG.
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=2342














