Banaanbax ka dhacay magaala madaxda jaziiradda Malta ee Valletta.(Daawo Sawirada)
From Zaki Warwad.com March 4, 2011 -- Updated 7:20 am
Dibadbax looga codsanaayo in la soo badbaadiyo dadka ka soo jeeda bariga aArica gaar ahaan Somaalida iyo Eritreanka oo ku dhibaataysan Wadanka Libya ee khalalaasuhu ka taaganyahay, ayaa Shalay waxa uu ka dhacay jaziiradda Malta
Dibad baxaan ayaa waxaa soo abaabuley jaaliyadda Eritrea iyo qaar ka mida ah dhalinyaro somaliyeed ee Ku Dhaqan Jasiiradda yar ee Lagu Magacaabo Malta .
Dibadbax-yaasha ayaa ka codsaday dowlada Malta iyo hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan qaxotiga ee UNHCR inay soo badbaadiyaan dadka walaalahooda ah ee ku dhibaataysan wadan ka libya, Kuwaasi oo aan Haysan meel Ay u Laabtaan Waxaana Soo Waajahay Madab Takoor oo ah Midabka Madoow
Sidoo kale xafiiska hay’adda UNHCR ay ku leedahay jazeeradda Malta ayaa goobjoog ka ahaa dibadbaxa iyagoo doonaya inay xog dheeraad ah ka helaan qaxootiga ku dhibaataysan wadanka liibya si ay wax ugu qabtaan
Sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa dibadbaxaan suxufiyiinta ku sugan jaziiradda Malta Iyo Dunida kale oo Ay Kamit ahaayeen Suxufiyiin Soomaali ah
Isku soo wada duuboo, Somaalida iyo Eritreanka ku nool wadanka Libya ayaa waxa soo wajahday xaalado adag iyo cabsifarabadan, iyagoo ka cabanaya cunto iyo biyo la’aan iyadoo aysan jirin ilaa iyo hadda wax gargar bini’aaddinimo ah oo ay sugayaan
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=2420


















