Jaaliyadda Jareer Weyne ee Kenya oo yeeshay Kulan Wada tashi iyo Taageero isugu jira(Daawo Sawirada)

From Zaki Warwad.com March 5, 2011 -- Updated 2:34 am


Kulan Ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen Dhamaan Jaaliyadda beesha Jareer Weyne ee wadanka Kenya oo isugu jira Masuuliyiin, Culimaa’udiin, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Haween iyo Dhalinyaro ayaa ka dhacay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Kulankaan oo ku saabsanaa wada tashi iyo Taageero ballaaran oo ay beeshu u fidisay Xisbiga Cusub ee Somali Peace Part (S.P.P) ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka SANA oo ah Community Based Organization.

 

Ugu Horeyn Kulanka waxaa ka hadlay Mudane Bunduq oo ka mid ah Odayaasha Jaaliyadda Jareer Weyne oo isagu ku dheeraaday Wax qabadka Jaaliyadda iyo sida ay ugu faraxsantahay Dhisidda Xisbiga Cusub ee S.P.P.

 

Mudane Bunduq ayaa sheegay in ay jaaliyaddu wado hadda Qorshe ay dad ugu direyso Xeryaha Qaxootiga soomaalida ee Dhadhaab, Dhagaxley ilaa Ifo iyo Kakuma, si ay Wacyi galin iyo Siminaaro ugu sameeyaan Bulshada Halkaas Ku nool.
Gudoomiyaha Ururka SANA Cumar Abuukar Cumar oo isagana qudbad gaaban ka jeediyay Kulanka ayaa sheegay in Jaaliyaddu ay taageersantahay si buuxda Xisbiga Cusub ee looga dhawaaqay Magaalada Nairobi dhamaadka bishii hore.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha Haweenka Jareer Weyne Marwo Biibi Max’ed Aweys oo ku hadleesay magaca gabdhaha Jareer Weyne ayaa sheegtay in beeshu ka qeyb qaadaneyso wax kasta oo sare u qaadaaya sidii loo heli lahaa Nabad Waarta.

 

Yuusuf Max’ed Ismaaciil oo ah Gudoomiye xigeenka Maaliyadda Ururka SANA ayaa isaguna ballan qaaday in dhamaan Jaaliyadda beesha Jareer Weyne ay taageeri dhaqaale iyo mid kalaba la garab taagantahay Xisbiga Cusub oo uu ku sheegay in uu wato Astaan Nabadeed.
Madaxa Isboortiga iyo dhalinyarada ee Ururka SANA Max’ed C/llaahi Shekh ayaa isaguna dhankiisa ku booriyay dhalinyarada Beesha Jareer Weyne in ay u istaagaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen walaalahooda dhibaateysan, islamarkaana udub dhexaad u noqdaan dhalinyarada sidii Nabad waarta looga dhalin lahaa wadanka Soomaaliya.

 

Ugu Dambeyntii ayaa waxaa goobta hadalo guubaabo iyo dhiiri galin u badnaa kasoo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka beesha Jareer Weyne Max’ed Aweys Jeele (Macaane), isagoo ku wareejiyay Hadalka Gudoomiyaha Beesha Jareer Weyene Mudane Max’ed Gaarane (Dr. Macaash).

 

Dr. Macaash sidoo kale waa Gudoomiyaha Xisbiga Cusub ee dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Nairobi ee SPP, waxa uuna soo bandhigay hadafka iyo Ujeedada Xisbiga.

 

Waxa uu carabka ku dhiftay Mudane Dr.Macaash in Xisbigaan Astaantiisu ay tahay sida ka muuqata Magaciisa oo ah NABAD.
Waxa uu sheegay in uu bilow u yahay Xisbigaan Hanaan Dimuqaraadi oo ay ku talaabsato wadanka Soomaaliya, si looga gudbo Caqabadaha hareeyay wadanka 20 kii sano ee u dambeesay.

 

Sidoo kale Kulanka waxaa hadalo kooban kasoo jeediyay Khadiijo Xuseyn iyo Muno Jeylaani oo ka mid ah Haweenka Beesha Jareer Weyne.

 

Kulankaan ayaa kusoo beegmaaya Maamlo Kadib markii Magaalada Nairobi looga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub oo loogu magac daray Somali Peace Part oo ay ku midoobeen Beelaha Jareer Weyne iyo Banaadiri.

 

 

We recommend

Maxay ka tiri Dowladda Soomaaliya dilka loo-geystay Bilaal Alburjaawi oo u dhashay dalka Lubnaan?
Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Magaaladda Muqdisho
WAR DEG DEG: Wasiiradii gaaray Magaaladda Baydhabo oo dib uga doo duullay Magaaladda Baydhabo

Short URL: http://warwad.com/?p=2481

2 Comments for “Jaaliyadda Jareer Weyne ee Kenya oo yeeshay Kulan Wada tashi iyo Taageero isugu jira(Daawo Sawirada)”

  1. marka hore waxan salaan mahad noq u dirayaa abaabula yasha,SANA iyo mas,uliyiinta, aqoonyahanada,dhalanyarada hoyooyinka,gabdhaha , Hay,ada SANA ilaah waxan ooga baryenaa in uu ka abaal mariyo arintan ay noosameysay
    1) waxan halkaan kasoo jeedinayaa anigoo ku hadlayo magaca SPP( somali peace part) in Dubai,
    arintaan labilaaway in aad sii wadaan si ay ugu faafdo dunida dacaladeeda
    2) waxan kaloo leyahay in loo sameeyo ama loo xilsaaro dhalayaro ilaa 3-4 oo dunida waregto wacyo galin sameysa
    ama oona laraadiyo hay, ado kale garab naga siisa, sida SANA, oo kale garab naga siisay ,

    wana muhiim in l ahelo dhalanyaro wacyo galin ka sameysa aaduunka isbarasho, aniga waxan bilabayaa inan sameyo website, leesku barto oona leh (Chating with camira) hoshaasi wafakaray balse waxan karab ainan ka helo jawaab jaaliyada jareer weyne ee kenya aniga waxn ku noolahay
    U.A.E. waxan kaloo ku da,daalayaa inan xariir la sameyo Hey,aado caalami ah inkastoo an soo halgamay oo cajalooyin badan aan Hey,adao badan ugeyay hadaan ku sii daro tan oo idinka kawadaan halkaasi Kenya waxa macquul ah in ay garab sax isiiyan

    jawaab wacan

  2. anin goo ah adan abukar waxaa ku farax sanah bee laha jarerr weyni isugu im maatin ka beesha waxaa soo jee dinaa qilaaf ka in aat is ka dhoor taa is ku xer naan waalal ti nimo kal gaceel is mar xabeen in ladhiso dad wax kaqab jahliga iyo faqri nima wax barasho in loo helo dad kiina
    waxaa ku su ganahay tal yaa niga
    waxaa aadiraa somli

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site