Madaxweyne Shariif oo ka gudoomay waraaqihii safiirnimo Safiirka cusub ee Hindiya+Sawiro
From Zaki Warwad.com March 6, 2011 -- Updated 1:07 pm
Kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxaa uu waraaqihii aqoonsiga safiirnimo kaga gudoomay Safiirka cusub ee Hindiya u soo magacowday Soomaaliya.
Munaasabada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi Oomaar oo sheegay in Hindiya mar kale safiir waaya arag ah u soo magacawday Soomaaliya, kadib markii la badalay safiirkii hore.
Wasiirka Arrimaha Dibada Oomaar ayaa sheegay in Safiirkan cusub ay soo dhoweynayan, isla markaana waxaa uu ku tilmaamay nin inta badan ku soo dhex jiray diblomaasiyada dhinaca dibada oo dalal badan u matalay Hindiya.
Ambasador Sibabrata Tripathia ayaa horay waxuu ka soo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan dalalka Kenya , Finland iyo Uganda.
Madaxweynaha oo hadal kooban halkaas ka jeediyay ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo safiirka cusub, waxaana uu sheegay in si rasmi auu uga gudoomay waraaqihii aqoonsi ee safiirnimo.
“Aad ayaan ugu faraxsanyahay in Hindiya iyo Soomaliya xiirrirkooda diblomaasiyadeed uu dib usoo noqday, waxaa rajeynayaa in safiirka cusub in uu xiriirka labada dal kor usii qaado”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo in wadamo badan ay hada ku howlan yihiin sidii ay safaaradahooda ugu furan lahaayeen, iyadoo muddo bil ka hor ay aheyd markii Dowladdaha Itoobiya iyo Jabuuti ay safiiro u soo magacowdeen Soomaaliya, kuwaasoo waraaqaha aqoonsiga uu ka aqbalay Madaxweynaha
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=2620














