Madaxweyne Shariif oo maanta kormeero ku tagay qeybo ka mid ah saldhig yada ciidamada daraawiishta Muqdisho+Sawiro

From Zaki Warwad.com March 14, 2011 -- Updated 4:24 pm

Madaxweynaha DKMG Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Ahmed ayaa maanta waxaa uu kormeer ku maray Saldhiga ciidamada Daraawishta ee Sarandi,Iskool Bolisia, Isbitaal Martini, iyo Saldhiga Ciidamada AMISOM.

Waxaa Madaxweynaha ku wehliyey kormeerkiisa Wasiirka Arimaha Gudaha Wasiirka Caafimaadka Wasirul Dowlaha Madaxtooyada iyo Wasiir ku xiggeenka Gaashaandiga.

Saldhiga Ciidamada Daraawishta ee Sarandi ayuu Madaxweynaha salaan kaga qaatay ciidamada Daraawishta , waxaana halkaas ku soo dhaweeyey taliyihii hore ee ciidamada booliska Soomaaliyeed .Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa halkaas lagu tusiyay gaarigii isku qarxiyey banaanka xeraadaas bishii la soo Dhaafay.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa sidoo kale kormeeray Isbitaal Martini qeybihiisa kala duwan halkaas oo ay warbixin ku siisay Agaasimaha Isbitaalkaas Dr: Caasho Cumar Axmed. Madaxweynaha ayaa mid mid u salaamay bukaano jiifay isbitaalka, kana balanqaaday in ay Dowlada shacaabkeeda Soomaaliyeed daaweeyneyso.

Madaxweynaha ayaa salaamay naafadi dagaalkii 77 isaga oo kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii wadaan oo ay maskaxdooda ku kaalmeeyaan dalkooda.

Ugu Danbeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa uu booqday Saldhiga Ciidamada AMISOM halkaasna waxaa u salaan kaga qaatay Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

 

 

 

 

We recommend

Xoogaga Shabaab oo qoorta macno daro kaga jaray wiil Soomaaliyeed oo aan dambi laheyn
Dagaalo culus oo lagu hoobtay oo dhex maray Ciidamadda Dowladda Itoobiya iyo Xarakada Al Shabaab
Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay miino casri ah, oo aan horey loogu arkin dalka Somaliya

Short URL: http://warwad.com/?p=3070

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site