Ciyaar Lagu Maamuusayay Munaasabada Ciida oo ka Dhacday Johannesburg.+Sawiro
From Warwad News Warwad.com November 8, 2011 -- Updated 7:16 pm
Ciyaar lagu maamuusayay Munaasabada Ciidul Adxa Ayaa ka Dhacday Xaafada Soomaalida Ay Ku badan tahay ee Mayfar magaalada Johannesburg ee dalka South Africa.
Ciyaartaan oo ah Mid Sanadle Ah ayaa Waxaa Soo abaabulay Qaar ka Mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaalada Johannesburg Si ay Kor ugu qaadaan Qiimihii uu lahaa Isboortiga Soomaaliyeed
Xulalka Kubada Cagta ee Soomaaliyeed ee Ka Dhisan Gobalada dalka oo dhan oo La isku Daray Ayaa laga Soo saaray Labo Kooxood Si ay Ugu hardamaan Koobka Lagu Maamuusayo Ciidul Adxa
Labada Kooxood oo loogu magacdaray Madbacadda iyo Jenyo, Garoonka Kubada Cagta ee Mayfar oo ah Halka ay Ciyaarta Ka dhacaysay Ayaa waxaa isugu Yimid Shacab aad u farabadan oo Xiiseeya Ciyaaraha Kubada Cagta isla markaana Kala Taageerayay Labada Kooxood ee Madbacadda iyo Jenyo,
Waxaa Cyaarta kaso qeb galay Dadweyne aad ufara badan iyadoo halkaasi lagu so ban dhigay ciyaar wanaag aanan horay looga baran Cayaaryahanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka Dalka K/afrika, Waxaa ciyaarta Marti u ahaa Fanaanka Caanka ah ee Axmed Cabdi Kariim Maxamed Axmed Biif oo gudoonsiinayay Koobka Cidii Guusha ay raacdo.
Ka Gadaalmarkii ay Cayaartu soo idlaatay ayaa waxay ku dhamaatay 2-0 Halka ay Guushu ku raacday Kooxda Jenyo oo soo ban dhigtay ciyaar wnaag waxaa Goolasha ukala dhaliyey Kooxda Jenyo Zaki Iyo Codeey oo kala dhaliyey Galinkii hore ee Cayaarta iyo midkii Danbe.
Ciyaartan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa soo abaaabulay Jaaliyada SASA & Xawaalada Juba Express ee Dalka Siouth Africa, Labada Kabtan ee ukala dheelayay Kooxaha Madbacada iyo Jeenyo ee Maxamed Somali & Shiil ayaa aad ugu faraxsanaa Ciyaartii ay isla dheeleen Halka ay amaan xoogan kaso jeediyeen Macalimiinta kooxaha ee Farxaan Bidaar iyo Gaduudoow.
Cayaartan ayaa waxa ay ahyd mid Sanad walba ku dhamaata Is-faham waa iyo Colaad balse Waqtigan noqoneysa mid Jawi aad u heer sareeya kuso dhamaata Sida ay sheegeen Abaabula yaasha Koobkan Xuseen Diiriye Dhageey iyo C/raxmaan Rasta oo u hadlayay Warbaahinta Qeybaheeda kala duwan.
Daawo Sawirada
Abdulfatah Sablale
Johannesburg, South Africa
sablale@hotmail.com
www.warwad.com
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=6976
























