Isku Xiraha Bulshada Facebook Oo Lagu Haayo Tuugonimo Xaga Internetka ah .
From Admin A Warwad.com November 12, 2011 -- Updated 4:22 am

Facebook-ka ayaa sheegay in hal bilyan ay soo galaan page-ka iyadoo 6 boqolkiiba ay yihiin kuwa si qiyaano ah ku soo gala, sida lagu sheegay wargeyska Daily Telegraph.
Bogga isku xira bulshada ee Facebook-ga ayaa sheegay in ay bilaabi doonto talaabooyin is xig xiga oo dhinaca amaanka page-ka labada todobaad ee soo socota.
Barry Schnitt, oo ah afhayeenka shirkadda Facebook-ga ayaa sheegay in 600,000 oo mar la soo weeraro page-ka maalin kasta hasa ahaatee waxa uu tilmaamay in ay ka joojiyaan dhalinyarada xun xun in ay soo galaan page-ka facebook-ga.
Arintaasi waa tan kaliya aynu ku faani karno ayuu yiri afhayeenka.
Burcad internet-ka ayaa waxaa la sheegay in ay u soo galaan page-ka isku xirka bulshada in ay xadaan xogta iyo macluumaadka sida emailada, taleefon numbers-ka islamarkaana ay virus baahiyaan si ay u suuq geeyaan alaab been abuur ah.
www.warwad.com
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=7057












