Andre Villas-Boas Oo Sheegay In Chelsea Ay Soo Iibsan Doonto Labo Ciyaaryahan Bishaan Janaayo.

From Abdulahi Warwad.com January 10, 2012 -- Updated 10:59 pm

Tababare Andre Villas-Boas ayaa sheegay in laga  yaabo inuu bisha Janaayo la soo wareegay labo ciyaaryahan.

Kooxda Bues ayaa ku dhow inay soo gabagabeyso heshiiska ay kula soo wareegeyso daafaca kooxda Bolton Gary Cahiil ka dib markii labada kooxood ay isku raaceen iibka ciyaaryahanka.

Chelsea ayaa sidoo kale lala xiriiriyay daafaca kooxda Marseille Cesar Azpilicueta iyo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Juventus Milos Krasic.

Isagoo ka hadyay isku aadka koobka Scottish Cup oo uu ka qeyb galay, Andre Villas-Boas waxa uu yiri:  ”Marka laga soo tago daafac dhexe, waxaa laga yaabaa inay soo iibsano ciyaaryahan kale, lakiin weli ma hubno”

“Mar kasta waa adag tahay. Ciyaartoyda tayada leh intooda Champions League ma ku ciyaari karaan, islamarkaana kooxda iska iibineyso ma jirto oo suuqa soo dhigeysa xilligan oo kale”

“Waa wax iska caadi ah inaad ku dhibtoodo suuqa kaa iibsiga”

“Sida caadiga ah waa suuqa ay tahay inay lacag badan ku bixiso, waana waxa aan dooneyno inaan ka fogaano”

“Waana sababta aan u go’aansanay inaanan howlo badan ka qabanin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda”

We recommend

Todobaadka Iyo Nasashada Warwad Dhageysi Wanagsan
Valencia Oo Ka Talaabsatay PSV Eindhoven, Iyo Antonio Di Natale Oo Ku Filnaan Waayay Udinese.
Beelaha Banaadiriga ” Xukuumada KMG waxa ay wadaa iska horkeen”

Short URL: http://warwad.com/?p=7905

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site