Madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabelle oo si kulul u weeraray Xoogaga Al Shabaab

From Abdulahi Warwad.com January 25, 2012 -- Updated 3:53 am

Madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabelle ayaa wuxuu si weyn uu uga hadlay qarax culus oo maanta ruxay Magaaladda Baladweyne, kaasoo ay ka dambeysay Xarakada Al Shabaab.

Qarax ismiidaamin ah ayaa waxay saakay Xarakada Al Shabaab ka geysatay Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan iyadoo qaraxaasi la-beegsatay aafafka hore e Xaruunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabelle C/Fataax Xasan Afrax, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in qaraxaasi uu geystay khasaaro hal askari oo dhaawac ah, isagoo beeniyay wararka sheegaaya in khasaaro badan uu ka dhashay.

Madaxweyne Afrax ayaa wuxuu tilmaamay in qaraxaasi uu ahaa midst culus oo laga maqlay Magaaladda Baladweyne, isla-markaana wuxuu sheegay in qaraxaasi uusan u dhicin sidii ay ugu talla galleen Xoogaga Shabaab.

Ciidamadda Dowladda Itoobiya ayaa wuxuu sheegay inay qaraxaasi fashiliyeen, isagoo hoosta ka xariiqay in ruuxii isqarxiyay uu gaariga kula qarxay meel ka haze sida uu yiri Xaruunta Gobolka Hiiraan ee Magaaladda Baladweyne.

Sidoo kale wuxuu si weyn uu u weeraray hadalka ka soo yeeray Xarakada Al Shabaab, ee ku aadan in qaraxaani ay ku dilleen in ka badan 35 askari oo Itoobiyaan ah, halka 72 kalana ay ugu geysteen dhaawacyo kala duwan.

Al Shabaab ayaa wuxuu sheegay inay tahay koox argagaxiso ah, isagoo ku goodiyay inay ka sifeyn doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan goor dhaw, isla-markaana wuxuu xusay inay dalka ka wado dhibaato xoogan, laakiin wuxuu sheegay inay ka hortaggi doonaan.

:

We recommend

Ciidamadda Amisom iyo Ciidamadda Dowladda oo la-sheegay inay weeraro ku qaadayaan Magaaladda Kismaay…
Gabar Soomaaliyeed oo dhibaato adag kala kullantay wiilkii ay ifka ugu jecleyd
Gudoomiyihii hore ee Sh. Dhexe Cali Jowhar “Odayaal aan la aqoon bay isu keeneen ”

Short URL: http://warwad.com/?p=8524

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site