Shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho oo bilaabay inay qaylo dhaan ka muujiyaan madaafiicda xoogan ee ka soconeysa Magaaladda Muqdisho

From Abdulahi Warwad.com January 28, 2012 -- Updated 3:56 pm

Shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho oo looga bartay inay u adkeystaan dagaalada iyo duqeymaha ka soconaaya Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay bilaabeen inay qaylo dhaan xoogan ka muujiyaan duqeymaha xoogan ee ka soconaaya Magaaladda Muqdisho.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku dhawaaqday inay kordhisay dagaalada ay ka wado Magaaladda Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana sheegtay in dagaalada ay noqon doonaan kuwo aad u culus.

Waxay taasi keentay in Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom marka ay soo weeraraan Xoogaga Shabaab, inay ugu jawaabaan hubka cul culus oo ruxaaya inta badan Magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxay cabsi xoogan ku beertay shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho.

Shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho ayaa waxay idaacadaha ku yaalla Magaaladda Muqdisho ay ka jeedinayaan qaylo dhaan xoogan, iyagoo markaasi dalbanaaya in laga qafiifiyo madaafiicda xoogan ee habeenadaan ka soconeysa Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale wax-garadka ku dhaqan Magaaladda Muqisho, ayaa waxay Dowladda Somaliya ay u soo jeediyeen in la-xakameeyo hubka faraha badan leh ee dhawaqa xoogan sameynaaya, in laga yareeyo shacabka reer Muqdisho, bacdamaa ay u diideen hurdada inay ladaan.

Habeenadaan ayaa waxaa Magaaladda Muqdisho ka soconeysa madaafiic xoogan oo ay ridayaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, iyagoo markaasi ugu jawaabaaya Xoogaga Shabaab oo weeraro ku soo qaadaya.

:

We recommend

Andre Villas-Boas Oo Sheegay In Chelsea Ay Soo Iibsan Doonto Labo Ciyaaryahan Bishaan Janaayo.
Madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabelle oo si kulul u weeraray Xoogaga Al Shabaab
Dowladda Itoobiya oo hanjabaado culus u jeedisay Al Shabaab iyo Al Shabaab oo ka jawaabtay

Short URL: http://warwad.com/?p=8664

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site