Dowladda Itoobiya oo hanjabaado culus u jeedisay Al Shabaab iyo Al Shabaab oo ka jawaabtay
From Abdulahi Warwad.com February 7, 2012 -- Updated 5:27 pm
Dowladda Itoobiya ayaa waxay ku goodisay inay si deg deg ah ku soo afjari doonto Xoogaga Shabaab, oo ay sheegtay inay dhibaato ka abuurayaan gudaha Wadanka Soomaaliya, iyadoo xustay inay sii jooggi doonto Magaaladda Baladweyne.
Taliyaha Guud ee Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ee ku sugan Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Korneel Casarta, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaysan ka bixi doonin Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Sababta aysan uga baxeynin ayaa wuxuu ku sheegay in Gobolka Hiiraan ay joogto Al Shabaab, oo uu ku timaamay kuwo dhibaato ku haaya shacabka Somaliyeed, khatar-na ku ah sida uu sheegay Geeska Afrika oo dhan.
Korneel Casarta ayaa wuxuu ku goodiyay inay cagta marin doonaan Xoogaag Shabaab, oo uu xusay inay ka soo horjeedaan nabad ka dhalata dalka Soomaaliya, balse wuxuu hoosta ka xariiqay inay soo afjari doonaan.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf Cali Ugaas, ayaa wuxuu polish lagu qoslo uu ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Taliyaha Ciidamadda Itoobiya ee Magaaladda Baladweyne.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inuusan waxba sheegeynin hanjabaado, oo waxaa loo-baahan yahay buu yiri sidii dib looga bixi lahaa Magaaladda Baladweyne, isagoo taasi ku macneeyay inay meel kasta iyaga ka jooggaan.
Shacabka ku dhaqan Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaan polish asxaan ah kala kulmeynin Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, waxayna labadaba ay ku haayaan dhibaatooyin kala duwan.
:
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=9013












