Daawo Sawirada: Dowladda Soomaaliya oo sameyneysa horumar balaaran oo qeyb qeyb ah
From Abdulahi Warwad.com February 14, 2012 -- Updated 5:38 am
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay horumar balaaran ay ka wadaa Magaaladda Muqdisho, kadib markii ay si toos ah ugala wareegtay Xarakada Al Shabaab, oo 3 maalmood kahor ku biirtay Ururweynaha Al Qaacida.
Horumarka balaaran ee ay sameyneyso Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ka midst ah, iyadoo mashaariic qeyb-qeyb ah ka fullineysa Magaaladda Muqdisho, oo ah Xaruunta Wadanka Soomaaliya, ayna deggan yihiin inta badan dadka Somaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay balaarisay Dhismaha Warfaafinta, iyadoo maanta Magaaladda Muqdisho ka hir-gellisay dhawr dhsimayaal ah, kuwaa oo lagu keydin doono cajaladaha wararka ee Radio Muqdisho.
Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu maanta uu xariga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyay Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Horumarka balaaran ee ay sameyneyso Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu Raa’isal Wasaaraha sheegay inay qeyb ka tahay dib u soo noolleynta nabadda Soomaaliya, ayna muujineyso in laga adkaaday kooxaha nabadiidka ah, waa sida uu hadalka u dhigay’e




:
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=9207












