Abuu Mansuur oo sheegay in shacabka ku dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool looga fadhiyo inay dagaalamaan
From Abdulahi Warwad.com February 21, 2012 -- Updated 10:04 pm
-33508″>
Waxaa isa soo tareysa baaqa xoogga leh ee loo-jeedinaayo shacabka ku kala dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool, waxaana labaduba loogu yeeray inay ka qeyb qaataan dagaalada culus ee laga cabsida qabo inay ka qarxaan Gobolada Baay iyo Bakool.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo ka midst ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Dowladda Itoobiya ay ku soo duulleen Gobolada Baay iyo Bakool.
“Ciidamadda Xabashida waxay ku soo duulleen Gobolada Baay iyo Bakool, reer Baay iyo Bakool waxaan lee-nahay dagaalada haka qeyb qaataan oo cadowga ha’iska difaacaan, waxay wadaan waxaan loo-dul qaadaneyn” ayuu yiri Sheekh Abuu Mansuur.
“Waxay u socdaan inay gumeystaan dadka ku dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool, waxaan lee-nahay gumeysi yeelli meyno ee waan dagaalameynaa, waxaan ugu baaqayaa reer Baay iyo Bakool inaysan dagaalada u kala harin” ayuu sii raaciyay Abuu Mansuur.
Sheekh Abuu Mansuur ayaa wuxuu sheegay in uu yahay shakhsiga ugu weyn ee Xarakada Al Shabaab ee polish laga weydiiyo Gobolada Baay iyo Bakool, isla-markaan wuxuu sheegay reer Baay iyo Bakool uu ugu baaqaayo, inay la-dagaalamaan waxa uu ugu yeeray cadowga.
Iskusoo wada-duuboo Abuu Mansuur oo ugu baaqay dagaalada shacabka ku dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool,ayaan sheegin in uu ka qeyb qaadan doono dagaaladaasi amaba uu dhinaciisa polish ka hogaamin doono.
:
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=9410












