Al Shabaab oo dadka ugu yeertay inay dagaalada xoog ku gallaan iyo barakac culus oo ka qarxay Magaaladda Baydhabo

From Abdulahi Warwad.com February 22, 2012 -- Updated 1:06 pm

-33621″>Kooxda Shabaab oo dhawaan shaacisay inay ku biirtay kooxda tunka weyn ee Al Qaacida, ayaa waxaa xilligaan farqaha uga dhagan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya.

Xoogaga Shabaab ayaa waxaa xilligaan soo wajahday xaalad aad u adag, waxayna taasi keentay inay iskaga baxaan qeybo ka midst ah Gobolka Baay, oo ay intiisu badan ay gacanta ku heyso kooxdaasi, oo dhawaan qiratay inay Al Qaacida xubin ka tahay.

Madaxa Gobolada Baay iyo Bakool ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Mahad Sheekh C/Kariin, ayaa wuxuu shacabka ku dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool uu ugu baaqay inaysan ka guurin Goboladaasi, oo ay dagaalada ka qeyb gallaan.

Sheekh Mahad Sheekh C/Kariin ayaa wuxuu tilmaamay inay doonayaan in laga hortaggo Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya iyo Ciidamadda Dowladda Kmg ah oo ku soo wajahan Magaaladda Baydhabo.

Dhanka kale shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo ayaa waxay bilaabeen inay iskaga barakacaan Magaaladda Baydhabo, waxayna sheegeen in xilligaan Magaaladda Baydhabo ay soo wajahday xaalad aad u adag.

Al Shabaab ayaa waxaa loo-maleynayaa inay iskaga bixi doonto Magaaladda Baydhabo, laakiin waxay xilligaan daafacyo waaweyn ay kaga jirtaa duleedka Magaaladda Baydhabo, lamana oga waxa xiggi doono amuurtaan, laakiin wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.

:

We recommend

Abdi Salam Caato oo ka waramaya dhib loogu gaystay Puntland
Waa Magaalo noocee ah Magaaladda Baydhabo “Daawo Sawirada”
kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud….‏

Short URL: http://warwad.com/?p=9426

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site