Dagaalo qaraar oo ka dhacay duleedka Magaaladda Baydhabo iyo Ciidamadda Itoobiya oo afka u saran Magaaladda Baydhabo
From Abdulahi Warwad.com February 22, 2012 -- Updated 12:06 pm
-33625″>
Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo u soo guur guuranaayay Magaaladda Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, ayaa waxay xilligaan ku sugan yihiin meel aan sidaasi uga fogeyn Magaaladda Baydhabo.
Ciidamadaan oo ka soo dhaqaaqay dhinaca Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayaa intii ay u soo socdeen Magaaladda Baydhabo waxaa wadada laba ridicule u gallay Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isla-markaana waxaa dhex maray dagaalo culus.
Mid ka midst ah dagaalada ayaa wuxuu soconaayay 30 daqiiqo, iyadoo midka labaadna uu soconaayay muddo dhan 20 daqiiqo, isla-markaana dagaalada oo soconaayay ku dhawaad hal saac, ayay labada dhinac isku garaaceen hubka cul culus.
Dagaalada oo labada dhinac ka soo kala gaaray khasaarooyin culus, ayaa waxaa lagu jabiyay Xoogaga Shabaab, waxayna dib ugu soo laabteen Magaaladda Baydhabo oo ay ka soo qaadeen weeraro qorsheysan.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab-sanaaya Ciidamadda Dowladda Itoobiya, ayaa waxay xilligaan ku sugan yihiin Deegaanka Aw Diinle oo 15km oo kaliya u jira Magaaladda Baydhabo, isla-markaana waxay qorsheynayaan inay weeraraan Magaaladda Baydhabo.
Taliyaha Guud ee Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed General C/Qaadir Sheekh Cali Diini, oo ka hadlay dagaalada xilligaan ka soconaaya duleedka Magaaladda Baydhabo, ayaa wuxuu Ciidamadda Al Shabaab uu ugu baaqay inay isku soo dhiibaan Dowladda, oo uu sheegay inay cafis u fidin doonto.
Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, oo ka hadlay dagaalada ay ku qaadeen Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya, ayaa wuxuu sheegay inay khasaaro u geysteen, isla-markaana wuxuu sheegay inay dagaalada sii wadi doonaan.
Iskusoo wada-duuboo barakac balaaran ayaa wuxuu ka soconayaa Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, xilli ay ku soo dhaw yihiin Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo ay kaabayaan Ciidamadda Dowladda Itoobiya.
:
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=9425












