General Diini oo sheegay in Xoogaga Shabaab ay uga dhamaatay Gobolada Baay iyo Bakool

From Abdulahi Warwad.com February 22, 2012 -- Updated 12:04 am

-33582″>General C/Qaadir Sheekh Cali Diini ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xoogaga Shabaab ay uga dhamaatay Gobolada Baay iyo Bakool, isagoo sheegay in xilligaan ay yihiin duullaano xoogan, ayna meesha ka sari doonaan.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Qaadir Sheekh Cali Diini, oo saxaafadda kula hadlay Magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Somaliya ay u soo diyaar garowday burburinta Al Shabaab.

“Dowladda waxay u diyaar garowday inay cagta mariso argagaxisada oo dadkeena ku haaya dhibaatooyin joogto, Dowladda uma dulqaadan doonto intaan kadib in dhibaato loo-geysto shacabka Somaliyeed ee deggan Gobolada Baay iyo Bakool” ayuu yiri General C/Qadir Sheekh Cali Diini.

“Shacabka iyo Dowladdu waxay isku raaceen in shacabka laga qabto cawaantaan caadeysatay dhibaatada shacabka Somaliyeed inay sii wadaan” ayuu markale yiri isagoo muujinaaya sida ay diyaar ugu yihiin, inay dagaalo culus xilligaan ula gallaan Xoogaga Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay dagaalada garab kaga hellayaan Ciidamadda Dowladda Itoobiya, isagoo taasi ku macneeyay in Al Shabaab ay khatar badan gellisay Dowladda Itoobiya, ayna Itoobiya qeyb ka qaadaneyso sidii cagta loo-marin lahaa Al Shabaab.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in Xoogaga Shabaab ay uga dhamaatay Gobolada Baay iyo Bakool, ayna taasi ugu bishaareynayaan shacabka Somaliyeed.

:

We recommend

Andre Villas-Boas Oo Sheegay In Chelsea Ay Soo Iibsan Doonto Labo Ciyaaryahan Bishaan Janaayo.
Wax ka yar 20 saacadood oo Xarakada Al Shabaab laga dillay in ka badan 90 askari “Top News”
Dhacdo layaab leh: Nin isku dhex qaawiyay Airport-ka Magaaladda Portland ee dalka Maraykanka “Daawo …

Short URL: http://warwad.com/?p=9412

Leave a Reply

Recent Posts

Most Popular

Featured Links

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by wabho

Switch to our mobile site