Madaxweyne Shariif Iyo Wafdigiisa Oo Gaaray Magaalada London Ee Dalka Britian.
From Admin A Warwad.com February 22, 2012 -- Updated 1:20 pm

Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa habeenkii xalay ahaa gaaray Magaalada Lodon ee Dalka Britian.
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo xubnaha la socday markii ay gaareen London waxaa garoonka diyaarahada ku soo dhaweeyey Xubno ka tirsan Golaha wasiirada DKMG oo halkaasi ku sugnaa, Jaaliyadda Soomaaliya ee UK iyo xubno ka tirsan Dowlada Britain.
Xubnaha Soo dhaweeyey Wafiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta, Boosta iyo Isgaarsiinta mudane C/qaaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee halkaasi horay u gaaray.
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ay qaban qaabadiisa leedahay Dowladda Britian oo lagu wado maalinta berito ah in uu ka furmo Magaalada Lodon.
www.warwad.com
We recommend
Short URL: http://warwad.com/?p=9435












