logo Warwad


Akhriso jimicsiga fudud ee la sameeyo afurka kadib ama ka hor

Maadaama Ramadaan nagu so fool leeyahay waxaan jecleysanay in akhristayaasha Warwad.com aanu sii ogeysiino muhiimada uu soonku leeyahay.

Xilliga bisha ramadaan dadka qaarkii ayaa sameeya jimicsi xilliga maalintii ama ka hor waqtiga afurka ugu yaraan hal saacad halka qaarkoodna ay durba sameeyaan ka dib afurka hadaba labadaas waqti yaa haboon ? Warwad  ayaa talo kuu haysa.

Waxaa la xusayaa in ay haboon tahay in jimicsiga jirka la sameeyo ka dib laba saacadood xilliga afurka , iyadoo khubarada caafimaadka ay ku talinayaan in aan la sameyn jimicsiga ka hor afurka .

Waxa ayna taasi sabab uga dhigayaan in jirka uu soo deynayo biyo badan oo dhidid ah taasi badalkeedana jirka heleyn magdhow taasi oo keeneysa daal ayna sii dheer tahay in uu hoos u dhaco heerka sokorta qofka waxa ayna taasi qasab ka dhgeysaa in qofka uu xilliga afurka qaato wax yaabaha mac macaanka .

Talooyinka ay haboon tahay in aad qaadato ayaa ah .

1- In aad sameysid jimicsi fudud oo aan daal laheyn .

2- In aad biyo cabtid xilliga jimicsiga aad ku jirtid .

3- Ka fogoow in aad cabtid cabitaanada tamarta laga helo ama aashitada leh xittaa kuwa fir fircoonida laga qaado sida Coffe ama Shaah

Fikradaada ka dhiibo n