logo Warwad


Waa maxay qaramada midoobday

Waxaan filaynaa inay dad badan magaca qaramada midoobday ee UN aanan ku cusbeen, waliba marka ay maqlaan ku soo dhaceeso hayad ween hase yeeshee aanan intaa dhaafin karin..

Maantase waxaa jecelnahay inaan wax yar gudaha usii galno waxa ay tahay qaramada midoobday (UN).

Intaan galin marka hore waa inaan ogaanaa waa maxay hayad.. hayad haddi aan si fudud u fasirno waa dad iskugu tagay afkaar is leh rabana in fikirkaasa si wadajir ah iskaga kaashadaan.. tusaalo dad raba in gaajada dad masaakiin ah ka saacidaan sida ugu baxi lahaa ama dad raba in dad dhibaato lagu haayo in dhibaatada ka saaraan.. ama dad raba in dababka magaaaladaas qabsada si wadajir iskaga kaashadaan side ku damin lahaayeen..

Ugu horeen magaceeda english ahaan waa United Nations marka loo soo gaabiyo UN loo yaqaano
Qaramada midoobay waa wadamada aduunka 193 wadan oo idil is ku tagay micnaheeda somaliya inay kamid tahay qaramada midoobay ayada iyo inta wadan aduunka ka jirto. sabato isku tageena ah in si wadajir xaquuqaha guud ee wadamada go aamadooda la isla gaaro..

Tiirarka ugu ween qaramada midoobay waa..
In la nabadeeyo aduunka oo lagu noolaado nabad
Xuquuda aadanaha in la ilaaliyo dhamaan dadka ku nool aduunka
iyo waxyaaba kale oo si wadajir ah aduuunka lagu gaaro go’aamo wadareed

Waxaa la aas aasay dagaalka koowaad aduunka waxaan lagu aas aasay mareekanka waxayna ahayd muhiimada ugu ween in nabad waarto aduunka la helo hase ahaatee xiligaa laguma guuleesan maadaama wadamada kale ee soo gali waayeen ama daneen waayen, marlabaad isku day balaaran la sameeyay dagaalka labaad aduunka ayaa lagu guuleestay in si wadajir ah aayaha aduunka looga tashto is badal weena lagu sameeyay.

1960 waxaa soo gashay 91 wadan halka hadda 2021 ee ku jiraan 193 wadan..


Fikradaada ka dhiibo n