logo Warwad


jacayl jiilka iyo madhnaanta jeebka

declaration-of-love_23-2147517078waan jeclahay waliba si saa,id ah baan u jeclahay kama maarmo oo hadaan maalin arki waayo waan walwalaa oo walbahaaraa. waxaan arkaa iyada oo qoslaysa waan iska qoslaa ana , hadaan dareemo in wax ka qaldan yihiina , waan la ilmeeyaa oo aan la calaacalaa , qalbigayga kama kaantarooli karo inaan u jiid damqado .

iyaduse waa geenyo ilaahay  joog iyo jaah ba illaahay u dhameeyay waa xuurl cayn rag ku wada hamiyo gaabsi iyo guurba.  waaan u tagay oo hor istaagay hayeeshee juuqda ayaan kari waayay inta ay igu qososhay bay dhinac iga martay , ax !!!

markii aan hor joogsaday

saw juuqdii maan gabin

ileen jacaylku xanuun badanaa wan is dhiiriyaa hadane oo ku dhaqaaqaa hadane waan soo noqdaa anigoo fara madhan .

waa gabadh waalidkeed kaligeed dhaleen oo ubad ka fiirsadaan maal aduunyana lala hareero joogo

ana waxaan eryanayaa sadexdii waqti oo aanan mararka qaar wada helinba xaafad baan u waynahay oo sadex caruur ah ayaa iga yar yar, caruurtaa yar yar waxaa quud u ah waxaan soo xamaalo iyo waxay duqda hooyaday ah oo tamaandho(yaanyo) suuqa ku gadaa kasoo hesho .

aniguna intaan xuural cayntaa , geenyadaa rag u wada hamuun qabo jeclaaday , intii yarayd ee xamaaliga ahaa waan iloobay ee markaan iskuulka kasoo baxo aan xaafada u gayn jiray .

culays baa i fuulay waxaan ahaa qof waxbarashada aad ugu fiican lkn maalmahan sidii hore ma ihi oo waan gabay .

hodan xaaji muxumed waa gabadha ugu liidata xaga waxbarashada lkn aabaheed oo lacag leh darteed imtixaana ma waydo oo waa baasta .

goobtu waa boorama magaalo madaxda gobolka awdal .

jacayl waa jihaad nin ku jira oo kalee hodan waxba iima oga oo maxay ii ogaataa umaba sheegan waxbeee

maanta sheekadu xagaa ha inoogu joogto la soco qaybta labaad ………………………….

Fikradaada ka dhiibo n