logo Warwad


Wiil iyo Gabar u dhexayn jiray jaceyl sheeko Gaaban

Sheeko Qosol Badan.
Wiil iyo Gabar ayaa waxa ka dhexayn jiray jaceyl aad u weyn iyo kalsooni sidatay kaftan aan caadi aheyn sida aad ogtihiinba markay 2 qof aad isugu wanaagsan yihiin wax yaalo badan ayaa dhexmara sida kaftan badan, farakacayaar iyo waliba kalsooni dheeraada taas oo marba marka kadanbaysa soo kordhaysa.
Gabadha uu wiilka shukaansiga kala dhexeeyo iyo hooyadeed aad ayey isugu ekaayeen soojeed iyo siijeedba lama kala garaneyn indhaha ayay xiran jireen ama waxa ay qaadan jireen (indha shareer ama niqaab) qof walba sida uu uyaqaan.
Wiilka ayaa tuhunsanaa in maamada gabadha dhashay larabin gabadheeda taasna walwal ayaa ka haystay maalintii dambe wakhti casar gaabkii ah maqrib kusii dhow ayaa wiilkii ka hor imaaday qof ula ekaaday saaxiibadii isagoon hubsanin ayuu ku bilaabay kaftan si indho-la’an ah wuxuuna ku yiri “naa horta maad igala hadashid duqdan hooyadaa ah imaba arki kartee maxay saas iigu nacsantahay !! Yaxaas ha qaadee inaan habaaro maahee sikale garan maayee !!” wuxuu intaa ku daray oo uu yiri mar horaan kuu sheegay inaysan fiicnayn gabar hooyadeed nooshay siiba adiga oo kale,kkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

wiilkii ayaa waxa uu soo qufay wax walba oo ka dhex guuxaayey qalbigiisa asagoo u heysta inay tahay qofta uu lahadlaayo saaxiibtiisa intaas markuu is raaciyey ayuu dareemay sheekadii oo lagala qayb qaadanayn iyo indho kuuriya oo si kulul u eegaya.
markaas ayuu yiri “maxaad iisoo kuureysaa maduqdii ayaa kaa xanaajisay maantay anigoo halkaan ka jooga ayey i dhibtay adigoo la nool maxaa umaleysaa yaxaas dafta”,kkkkkkkkkkkk

maaamadii ayaa ku tiri “eedo maxaa sidaan oo dhan iigu habaaree oo aan kaa galaf saday “kkkkkkkk .
xariifkii halmar ayaa biyo qaboow lagu shubay sheekadiina waa dhananaatay wax uu ku hadlo ayuu garan waayey afkii ayaa juuqda gabay labadii lugood ayaa weynaadey meel uu taagan yahay ayuu garan waayey.
maamadii ayaa hada ku tiri “waaryaa nacas yohow fuleyga ah waan ku siisay gabadha aad darteed yaxaaska iisiinaysid ee isisoo diyaari caawana laga bilaabo guriga iyo meeshaad rabto kula sheegayso.”
Waxa uu meeshii ka dhaqaaqey asagii oo leh wallee arrin ayaa i qabsatay oo layaab leh maantay ayaan afkeyga ceeb ku doontay waa arrin layaab leh.

Fikradaada ka dhiibo n