logo Warwad


Sidee babaayga papaya loo abuurtaa

Babaayga waxuu kamid yahay qudaarta midka ugu waxtarsan, waa caafimaad miiran, wuuna qurxiyaa jirkeena. Hase ahaatee maqaalkan kuma sharaxeeno wax tarkiise ee waxaan rabnaa inaan idin fahansiino sida ugu sahlan ee aad ku abuuran kartaan geed babaay (papay) ah.

Qaabka ugu wanaagsan, eena ugu sahalsan.

1. Ugu horeen raadso babaay bislaaday oo ku qanciyo, kadib kala jeex si aad miraha madoow kala baxdo. Waxaa saaran Wax cad oo jilcan oo madowga ka sareeyo, si aad kaasi ugu tirtirto si taxadar leh udhaq kadib warqad cad ku qalaji, iskuna day inaad madoowga kaliya ku reebto. Kadib garaafo ama baaquli mirahaha kurido, kuna shub biyo. miraha biyaha kor ku dabaasha waa kuwa aanan soo baxeen ee ka saar.

2. Raadso caro yar wax lagu beero, haddiii aad rabto tayada cararadaa inaan Sareesiiso carada ku shubo weel wax lagu kariyo kadib kari ku dhawaad 20 daqiiqo si carada ugu dilmaan cayayaan aan indhaha arkin.

3. Meel yar oo aad rabto inaad ku beerato carada ku shubo. Tusaale ahaan sida caagadaha biyaha caafi ka jar afka hore kuna shubo caradaada wax yarna qooy adoon badineen kadib miro xoogaa ah ku beer mirahana wax yar duug. Si aad waqtiga udadajiso caaga bac cad sida tan jalaatada lagu sameeyo kor kaga dabool, si aad uhuuriso. Markuu yara soo baxo haddaad rabto booska badal oo boos wayn aad ugu tala gashay geeso, kadibna mar walbo biyaha aan saabuunta lahayn ku shub ama kuwa aad qudaarta iyo cuntada kale ku dhaqataan lakiin haka badin, babaaya ma jecla biyaha badan, laakiin yuusan qaleel ahaanin. Ugu yaraan 5 babaay hal mar is la abuur. Maadaama baabayga nin iyo naag leeyahay iyo mid isku jir ah. Babaaya midka naagta waxaaa lagu gartaa fiyoorahiisa waxuu udhawaada tiirka geedka, si hadhow qudaarta babaay isku badalo, sidoo kale fiyooraha wuu ka weenyahay halka kan ninka mid yar oo tiirka geedka ka fog yahay.

Babaayga sanad kadib woo soo baxaa waana geedaha dhaqsi ku soo baxo, inkastoo geedadka caadiga ah lagu xisaabin.

Warwad hadafkiisa waa in tayada bulshada ku hadasho af Soomaaliga helaan macluumaad tayeesan oo adeegsanaayo cilmigii ugu danbeeyay.

Fikradaada ka dhiibo n