logo Warwad


Baraha ee bulshada ku kulanto oo noqotay khatarta guurga dhalinyarada iyo xarirka qoyska

Baraha bulshadu ku kulanto ee internet-ka sida Facebook, Skype, Snapchat, Twitter, What’sApp instagram, LinkedIn iyo kale ayaa noqday waxyaaha waqtigan khatarta geliya guurka iyo xiriirka qoyska, waxaanay kor u qaadeen kiisaska furiinka ah sida ay sheegeen sharciyaqaanno cilmi-baaris ka sameeyey arrintan.

Toddobadii lammaane ah, ayaa mid ka mid ah is furraan, sababtoo ah marka xaaskiisu amma saygeedu facebook amma baraha kale ee internet-ka ku baahiyo farriin ay dhibsadaan oo salka ku haysa hinaase ku dhaca lammaanaha.

Dadka xogta laga ururiyey ayaa qaar ka mid ah sheegeen in caddaymo ay ku qabsadaan qofka ay nolosha la qaybsanayaan ka raadiyaan internet-ka, halka kuwo kalena ay sheegeen in ay saygeeda amma ooridiisa ay kaga tageen isticmaalka baraha bulshadu ku kulanto ee internet-ka, iyadoo arrintana muujisay ilaa heerka khatarta ah ee baraha bulshadu ku kulanto ku leeyihiin qoysaska.

Daraasadan oo ay samaysay Shirkadda Sharciga ee Slater and Gordon, taasoo sheegtay in tirada kiisaska furiinka ay kor u qaadeen Facebook, Skype, Snapchat, Twitter, What’sApp iyo baraha kale ee bulshadu ku xiriiraan ee dhinaca internet-ka.

“Shan sanno ka hor Facebook waxa uu ahaa mid aad ugu yar inuu kala taga lammaanaha ka qaybqaato, balse hadda waa shayga ugu horreeya. Baraha internet-ka ee bulshadu ku xiriirto waa waxa kaliya ee hadda cadawga ku ah guurka, gaar ahaan marka facebook la soo dhigo sawirro iyo waxyaabo ka cadhaysiiya mid ka mid ah lammaanaha,” ayuu yidhi Andrew Newbury oo ka tirsan Slater And Gordon.

Xog-ururinta oo la qaaday lammaaneyaal tiradoodu dhan tahay 2,011 (laba kun iyo kaw iyo toban), waxa lagu ogaaday in sababta uu mid midka kale u baaro barta uu isticmaalo ay tahay inuu ogaado cidda uu xiriirka la sameeyo, cidda ay la kulmaan iyo meelaha ay tegayaan.

Natiijada ka soo baxday daraasadan waxay noqotay in furriinka ugu badan ee waqtigan casriga ah ay door muhiim ah ka ciyaaraan baraha internet-ka ee bulshadu ku xiriirto ee Facebook iyo Twitter hoggaaminayaan

Fikradaada ka dhiibo n