logo Warwad


Faa’ida looska u leeyahay caafimaadka

Looska inoo caafimaad yahay dad badan maanta kama daahsana, hase yeeshee waxaan jecelnahay inaan maanta Maqaalkan ku ifino, waxyaabaha ugu muhiimsan oo leeyahay..

Qoraalka waa qoraal sare oo caafimaad ah ereyada qaar fahankeeda way kugu adkaan karaan.!

1. Looska waxuu kordhiyaa Farxada.
Looska waxaa aad ugu badan Dufinta-ta asiidh-ka ah (dufin asiidh micnaheedu waa Dufin caafimaad ah), B-vitamiin, vitamiin E (ii) iyo burtiino (protein) aad u wanaagsan. sidoo kale waxuu looska wataa wax afka qalaad lagu yidhaahdo Tryptophan kaasi oo jirka ugu badalaayo maado la yiraahdo Serotonin kaas kor uqaada farxada qofka.

2. Looska waxuu saaciadaa Maskaxda.
Maadaama looska uu wato vitamiin E oo aad ubadan oo nuuc aad tayo u leh. Vitamiin E ayaa waxuu wataa wax af qalaad lagu yidhaahdo Antioxidans, kaas oo jirka ka saacidaayo inuusan dhaqsi duqoobin, si lamid ah waxaa ka buuxo looska Lecithin kaas oo neerfaha iyo maskaxda aad ugu wanaagsan .

3. Looska waxuu kordhiyaa Tabarta (Xoogga).
maadaama looska uu wato maaddada Magnaasiyumka waxay saacideesaa shaqada Murqaha waxay ka ilaalineesaa xanuunka sidaas awgeed dadka sameeyo almiitada looska aad ayee ujecelyihiin, waana sababta keeneesa middaa.


Intaa kuma eka looska waxyaabaha oo ufiicanyahay waxaa kamid ah inoo kordhiyo tayada shawada si uurka kugu sahlanaado. iyo waxyaabo kale aad ubadan.
Hase yeesha kuma soo koobi karno maqaalkan, waanse idinla socodsiin doonaa qeebaha kale::

W


Fikradaada ka dhiibo n