logo Warwad


Dumarka soomalida ee Swedan oo loo shegay ineey hayso Vitamin D la,aan

Cilmi baaris ay dhawaan samaysay xarunta Baaritaanka caafimaadka ee lagu magacaabo (CKF, Centrum för klinisk forskning) ayaa lagu soo bandhigay in haweenka Soomaalida ee uurka leh ay haysato nafaqo la’aan xaga Vitamin D ah taasoo keentay in jirkooda uu aad daciif uu noqday.

Haweenka Soomaalida ee ka qeyb qaatay baaritaanka ayaa lagu soo bandhigay in 10-kii 9 qof ay haysato Vitamin D la’aan. Qofka uu ku yaraado Vitamin D ayaa waxaa la soo darsi kara in uu daciif ka noqdo lafaha. Cilmi baarayaasha ayaa ku taliyay in haweenka Soomaalida la siiyo dawo ay ka heli karaan Vitamin D maadaama aan inta badan laga helin cuntada. Waxaa sidoo kale Vitamin D laga helaa iftiinka qoraxda. Sababta aysan haweenka Soomaalida qoraxda uga helin Vitamin D ayaa xitaa lagu tilmaamay maadaama ay xirtaan dhar culus xiliga xagaaga.

Haweenka uurka leh ee uu ku yaryahay Vitamin D ayaa xitaa la sheegay in ay qatar ugu jiraan in ay dhalaan caruur daciif ah ama qaba cudurka autism

Fikradaada ka dhiibo n