logo Warwad


Dumarka wanaagsan oo la guursada waxa laga dhaxlo

Markuu sidaas u guursaday ayuu bilaabay inuu masaajidka laasimo, maxay ku samaysay?

 

Hooyo ayaa gabadhii uu wiilkeedu qabay ku tidhi: Waxaa kuu suurto gashay inaad wiilkayga ka dhigto mid joogteeya inuu salaada masaajidka ku tukado, waxaad ku guulaysatay 30 cisho kaliya waxaan anigu 30 sanno ku guuldarraystay! iyada oo ooyaysa.

Gabadhii wiilku qabay ayaa waxay tidhi: Hooyo ma maqashay sheekada dhagaca iyo dahabka??

Waxa jiri jiray dhagax aad u wayn oo wadada dadku maraan xidhay, maalinkii dambe ayaa nin kamid ah dadku dar Ilaahay u go’aansaday inuu dhagaxaasi wadada ka suuliyo, waxa uu isku dayay inuu jajabiyo dhagaxii, waxa uu dubbe la dhacay 99 mar kadibna wuu daalay.

Nin ayaa isaga oo fadhiya soo maray markaasuu ku yidhi keen saaxiib ku caawiyee, inta uu dubbihii ka qaatay ayuu hal mar ku dhuftay kadibna waabuu kala dhacay.

Waxa layaab noqday in uu dhagaxii markuu burburay kasoo daatay dahab fara badan, labadii nin ayaa isku qabsaday kadib waxay u tageen qaadi.

Kii koowaad ayaa yidhi: Badhkayga ha i siiyo ninkani, waxaan dhagaxa garaacay 99 mar kadibna waan daalay.

Kii labaad ayaa yidhi: Waa inaan sida uu dahabku u dhan yahay anigu wada helaa, waayo anigaa kala jabiyay dhagaxa.

Qaadigii ayaa waxa uu yidhi: Ninka koowaad waxa uu leeyahay dahabka % 99 halka uu ninka labaad ka leeyahay % 1, waayo hadii aanuu ninkani 99 mar garaaceen, dhagaxu muu burbureen.

Hooyadu waxa ay wiilkeeda la hadlaysay 30 sanno, bishii ugu dambaysay ayuu ka wareegay, sidaa awgeed ajarka inta badan iyada ayaa iska leh.

Fikradaada ka dhiibo n