logo Warwad


Faaidada ee ledahay cunista Digirta

Digirta oo marka la kariyo Soomaalida qaarkood u taqaano Canbuulo, waxaa lagu sheegay faa’iidoyin cajiib badan oo caafimaadka iyo horumarka jidhka bini aadimka qeyb weyn ka qaadata.

Waloow ay Soomaali badan caado u tahay cunista digirta isla markaana ay dalaga ay beertaan ugu horeyso, halka qaar kalena ayba dhankooda caay ka tahay, hadana waxaa lama huraan ah in bulshadu ogaato loona iftiimiyo faa’iidooyinka qarsoon ee digirtu leedahay, hadii uu qofku ogaan lahaana wuu joogtayn lahaa ugu yaraan todobaadkii 3 jeer.

Hadaba warbixintaan oo ah daraasad caafimaad isla markaana aan kasoo xiganay wargeyska livestrong ayaan isku dayi doonaa in aan soo koobno wax yaabaha ugu muhiimsan uguna faa’iidada badan ee digirtu u leedahay dadka daneeya caafimaadkooda iyo horumarka noloshooda.

1- Digirta waxaa ku jira Vitamins iyo Minerals kuwaasoo ah laba shey oo ka mid ah rukniyada jidhku ku shaqeeyo, waxaa gaar ahaan digirtu qani ku tahay Vitamine B, kaasoo dhiiga cas iyo hagaajintiisa qeyb weyn ku leh.

2-Digirtu waxey qani ku tahay Fiber, kaasoo howlihiisa ay ka mid yihiin isku socodka iyo u qeybinta jidhka cuntada uu qofku cuno.

3-Digirtu waxay ka hortagtaa wadne xanuunka

4- Digirtu waxey qani ku tahay Protein baruur la’aan ah, taasoo la macno ah in aad heleyso Protein kugu filan adigoo jidhkaaga wax baruur ah aysan kusoo kordhin.

5- Digirtu waxay sidoo kale buuxin kartaa booska khudaarta iyo Fruits-ka.

6- Waxay la dagaalantaa xanuuno ay ka mid yihiin kansarka iyo dhiig karka: Qiimaynta tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday inay digirtu kala tacaasho unugyada jidhka in cudurka kansarku ku samaysmo iyada oo unugyadan loo diidayo inay tarmaan, waxa kale oo ay hoos u dhigtaa koritaanka baraha iyo finanka waaweyn ee maqaarka dibadda uga soo baxa.

Cilmi-baadhayaal ka tirsan Harvard School of Public Health ayaa baadhitaan ay sameeyeen ka dib ku sheegay in dumarka ugu yaraan todobaadkii laba jeer isticmaala digirta ay 24% uga badbaadi karaan inay jeeshaan kansarka naasaha ku dhaca. Darsin daraasado ah oo hore loo sameeyey ayaa digirta ku xidhiidhiyey inay hoos u dhigto halista cudurka wadnaha, macaanka nooca 2aad, dhiig-karka iyo cudurka kanskarka ee ku dhaca naasaha iyo malawadka.

7- Waxay wanaajisaa xusuusta: Digirtu waxay kobcisaa xusuusta sababtoo ah waxaa ku jira Vitamin B1 oo muhiim u ah unugyada maskaxda gaar ahaan kuwa garashada qaabilsan

8- Digirtu waxay yaraysaa cayilka: hadii aad hilib leedahay oo aad digirta ka dhigato qeyb muhiim ah oo raashinkaaga ka mid ah waxaad dareemeysaa hoos u dhac, hadii aadan marka horeba buurneyna waxaad ahaaneysa qof jidhkiisu Protein iyo Calories ku filan helo isagoo aysan jirkiisa ku saa’idin duhunta iyo cadiinta (baruurta)

Fikradaada ka dhiibo n