logo Warwad


Faaido badan oo cabista Caanaha laga helo

Daraasad casri ah oo culimo ku xeeldheer cilmiga caafimaadka basharka ayaa shaacisay in faa’iidooyin cajiib badan laga helo marka aad maalin walba Koob caano ah cabtid.

Baaristan caafimaad ayaa waxaa sameysay soona bandhigay jaamacada Maine ee dalka Mareykanka, ayadoo u cuskaneysa 90 qof oo rag iyo dumar isugu jira da’dooduna u dhaxeyso 23 ilaa 90 sano oo lagu sameeyay baaristaan oo muddo badan socotay.

Waxa ayna culimadani sheegeen qofka maalin walba koob caano ah caba Waxa uu ka xasuus badan yahay 5 jeer qofka aan caano cabin.

Sidoo kale ilkihiisa ayaa ka adkeysi iyo tayo wanaagsan, waxaa intaas usii dheer in lafihiisu ka adeyg iyo awood badan yihiin, iyo sidoo kale in qofka caanaha joogteeyaa uu guud ahaan ka caafimaad badan yahay qofka kale ee aan caano cabin ama si joogta ah u cabin

Fikradaada ka dhiibo n